Dalada SONYO waa in ay soo diyaariyaan ururkii dhalinyarada ee siyaasiga ahaa ee aynku kaga qayb gali lahayn tartanka madaxtinimada dalka

(Hogaamiye is habranaaya, hankiisuna yar yahay, hoosiisbaa la yidhaaye, dhalinyaroy hadhbaad noqoteena soo hagaaga walaal)

Warqadani waxay ku socotaa dhammaan dhalinyarada reer Somaliland ee u heelan hoggaaminta dalka iyo horumarkiisa, balse ay caqabadi ka haysato  siyaasiyiinta waaweyn oo cagta hoos galiyey doorka dhalinta Somaliland ay ku doonayaan in ay saami ka helaan hoggaminta dalka.

Hadaba, waxan dhalinta reer Somaliland lee yahay “maanta waxad haysataan fursad qaali ah oo aad kaga qayb gali kartaan hoggaaminta dalka, fursadaasi oo ah furashada ururada siyaasiga ah” sidaasi darteed waxan dhalinta reer Somaliland ku boorini lahaa inta ay dad kale oo aan waxba u ogolayn u daba fadhiisan lahaayeen xaqoodo, waa in ay dhalinta reer Somaliland ee ku bahoobay dalada SONYO ay furtaan urur siyaasi ah oo isku duuban oo ay ku doonayaan in ay dalkan hoggaanka u qabtaan, kana waantoobaan balanqaad beena oo nin siyaasi ahi ku maaweeliyo.

Dalada SONYO hoggaankeeda waxan lee yahay ragiina maanta jooga ee dhalin ahaan aan u dooranay in ay na matalaan waa in ay soo diyaariyaan ururkii dhalinyarada ee siyaasiga ahaa ee aynku kaga qayb gali lahayn tartanka madaxtinimada dalka, weynu ognahay wax badan ayaa inagaga baxay kulamo aan la yeelanay Guurti, Baarlaman, Wasiiro iyo Madaxweyne, midkastaaba marka aad la joogto waxa uu ku lee yahay waan ogolnahay doorka dhalinta ee ka qaybgalka siyaasada dalka waanan soo dhaweynaynaa, laakiin ka dhabaybteedu waa wax aan jirin oo xaqiiqada ka fog.

Ugu danbayntii dhalinyaroy hadaan runta isku sheegno maanta cid inoo maqan ma arko anigu, waanad ogtihiin dhalinta da’da yar ee lagu faano ee saxaafada ah ee maalin walba ka cabnaya xadhiga iyo cagajuglaynta lagu hayo, waad ogtihiin dhalinta tirada badan ee sanadkasta ka soo baxaya Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha dalkeena ee aan fursad u haysan wixii ay soo barteen in ay ku shaqeeyaan, ee niyad xumo awgeed badaha isku daadinaya.

Gabagabo.

Waar maaha dhalinyaroy hadii aan doonayno hoggaaminta dalka in ninkasta ama gabadhkasta aan noqono wiiftoolayaal girgirkaas cararaaya oo midba meel siidhiga ka afuufo, balse waa in aan yeelanaa meel saldhig inoo ah oo aan ka duulno, waanay cadahay oo daladeena SONYO ayaa laga rabaa oo laga rabaa oo laga rabaa… inta aan laynaga eedaamin in aynu ka diyaargarowno, oo ismuujino, hadii aan sidaasi yeelno waan hubaa (Insha Allah) in siyaasiyiinta caqada inagu ahi inoo daba fadhiisan doonaan oo ina weydiisan doonaan saamigooda talada dalka ee aan wada leenahay.

(Waar hadaan qaldanahay dhalinyarow iqabta hadaan sax ku joonaga hawsha aan hareeraha qabano oo hore u socono)

By: Abdirashid Dahir Ali Wa’is

Graduate student. Hargeisa University (Bachelor Degree in Economics) 

CSI student (Public Administration department undergraduate) 

(Igala soo xidhiidh +252 24424527.   Email:-  rashid_dahir@hotmail.com)