DALAB (Maanso) – W/C: Maxamuud Gaani

maxamuudMaansadan oo uu curiyey Hal-abuur Da’ yar oo lagu magacaabo Maxamuud Gaani, waxa ay soo baxday 17/1/201

  1. Digtii Maxamed Xaashiyo,
  2. Deelaydii uu furay,
  3. Haadraawina ka daba riday,
  4. Daabac maansadiisii,
  5. Daayinbaan i uuminoo,
  6. Waqtigaa dib ii dhigay
  7. Dunidaba ma joogine,
  8. muxuu hadalku duurxulay
  9. gabay dacwada lagu furay
  10. abwaanadu dayaansheen
  11. dadka samo u baaqeen
  12. xumahana ka doorsheen
  13. wanaag kula dedaaleen
  14. Muxuu gabay dariiq furay.
  15. Kala diray daruuraha.
  16. Docba qaar u baacsaday.
  17. Sadar hoos u soo degay
  18. Colaaddii daboollaa
  19. Muxuu debeda soo dhigay
  20. dixda hoose ugu tegay
  21. hal abuurku doodaa
  22. Diiwaan muxuu qoray
  23. Amuurii dahsoonaa
  24. Dayrkii xumaantiyo
  25. Dulmigii muxuu fadhay
  26. Muxuu daaha ugu rogay
  27. Dadka eega wada yidhi.

 

  1. Dulmi nexeb hashii beri,
  2. Dambarkeedii muu goin.
  3. Dararteedii may gudhin.
  4. Dib hadday u curatoo,
  5. Anaa   daadihinayoo
  6. Maanta daah furaayee
  7. Digdheh deelka maansada.
  8. Ruux hadduu dakano qabo,
  9. Dadka wuu ka dhuuntaa.
  10. Haduu docadocayntiyo,
  11. Dayn waayo hadalada,
  12. Sidee loola doodaa?
  13. Isna uga dabaashaa?

 

  1. Bal hadana ka diga rogo
  2. Aqoonsiga dadweynuhu,
  3. Ay wada dalbanayaan,
  4. Daw mid kaad u leedahay,
  5. Ruuxa sii durkinayee,
  6. Kuu diiday kugu yidhi,
  7. Bulshayahay nin kuu daran.
  8. Sidee loola doodaa?
  9. Isna uga dabaashaa?
  10. Bal hadana ka digo rogo.
  11. Adoo daal haraad qaba,
  12. Darka ruux joogsada,
  13. Darimaysid kugu yidhi,
  14. Doqon kaa wax yeeliyo
  15. Dalanbaabi kula jecel
  16. Sidee loola doodaa?
  17. Isna uga dabaashaa?
  18. Bal hadana ka diga rogo
  19. Doogtii horee beri,
  20. Nabarkii dalloolay,
  21. Duugoobi waayoo,
  22. Dibin daabyadiisii,

 

  1. Daqarkii ma baabi,in.
  2. Geeystaa damqaayoo,
  3. Boogaha duraayee,
  4. Sidee loola doodaa?
  5. Isna uga dabaashaa?
  6. Afartan aan   isdaba dhigay,
  7. Waa dooda maansada.
  8. Araar aan ku daahfuray.
  9. Dig abwaan lahaan jirey.
  10. Diwaanka maansada

 

  1. Afar kalena daallaco.
  2. Ka durduuro weedhaha.
  3. Dulucdiyo u jeedada
  4. Dabuubtayda hadaladu
  5. Dalab weeye ii maqan
  6. Waxa aan u dirayaa,
  7. Dadka kiisa garasha leh.
  8. Duli lama rabaystee.
  9. Goboloda dalkayga ah,
  10. Isirka ay ku dooneen,
  11. Dagaalka ay ka huriyeen,

 

  1. Isku diradirayeen,
  2. Dabka maad ka damisaan
  3. Deriskiyo walaaalaha.
  4. Isku duubni wada jir ah,
  5. Maad ugu ducaysaan.
  6. Nabada maydin daysaan.
  7. Ninka diida ee naca,
  8. Maad laba diblaysaan.
  9. Siday isku diyaarsheen
  10. Maad ugu dedaashaan.
  11. Aqoonsiga ka daamuray,
  12. Qalinka ugu duugtaan.
  13. Qaran dawladoo jira,
  14. Soomaaliland dad ah,
  15. Dunida maw cadaysaan.
  16. Dawladaha u sheegtaan.
  17. Dal awoodleh mida
  18. adigana ku daafaca ,
  19. Kaaga dayran cadowgoo,
  20. Garabkaaga laga dayo,
  21. duulaana kula jira

 

  1. Deris aad wadaagtaan
  2. Dalkan maad ka dhigataan
  3. Waa dab hoos ka nooloo
  4. Nin shisheeye kuu daran
  5. Danihiisa gaarka ah
  6. Buu kaa durduurtaa
  7. Intaa wuu daldalayaa
  8. Dahabkiyo ugaadhii
  9. Diinna wuu fidinayaa
  10. Dumarkiyo raguu simay
  11. Haweenkoodu darajada
  12. Iyagaaba door mudan
  13. Diir nimaad wadaagtaan
  14. Baa kuu damqanayoo
  15. ku dareemikarayee
  16. Degmadii hargeysiyo
  17. Dila iyo cammuudiyo
  18. Deganeey wajaaliyo
  19. dawgii buurta shiikhiyo
  20. Daristii togdheer iyo
  21. Duudii ceerigaabiyo
  22. Degelkii sarmaanyiyo
  23. Dooggii nugaaaleed
  24. Dooxii saraar godan
  25. Deli iyo cal xeebeed
  26. Surud daalo iyo guban
  27. dabarsoola iyo hawd
  28. Deganaansho weeyee
  29. Maad farxada daysaan
  30. Dacwadiyo colaadaha
  31. Dal shisheeye kaga yimi
  32. Xumaa maad ka damishaan
  33. Deriskiyo walaalaha
  34. Soomaaliland degel
  35. Daar dhisan tay weeyee
  36. Maad qaranka dayrtaan
  37. Allaa deeqda bixiyee
  38. Daacad maw ahaataan
  39. Dawladaha aduunyada
  40. Dal ka mid ah ka yeeshaan
  41. Waa dabaal deg xaalkuye,
  42. Durbaan loo garaaciyo,
  43. Sacab mawgu ku deeqdaan.
  44. Degelkuba ha nuuroo,
  45. Dayax haw bidhaamee.
  46. Dumarkuna mashxarada,
  47. May ugu daraanoo
  48. Uga dininig siiyaan.

 

  1. Nin ragaa dareemoo,
  2. Guulaha ku diirsada.
  3. Duriyad xalaaliyo,
  4. Duul ifka ku noolbaa,
  5. danahaaga garan kara
  6. Dalabkaaga fulin kara.
  7. Ileen daarta aakhiro,
  8. Aboor kaama didiyoo,
  9. Kaa difaacimaayee.
  10. Deeqdiyo hanayntuna,
  11. Waa darajo aadmigu,
  12. Qofba dabaq ka joogaa.

 

Maxamuud Salebaan X, Ducaale (Maxamuud Gaani),

Tell: 0634621517 ama 9400631

Email: Guulsame@gmail.com