Dal Afrikaan Ah Oo Dumarka U Shaqeeya Dowladda Waajib Kaga Dhigay In Ay Xijaab Xidhaan 

Banjul (SLpost)- Xukuumadda dalka Gaambiya ee galbeedka Afrika ayaa dumarka ka shaqeeya xafiisyada kala duwan ee dowladda iyo shaqooyinka gaarka loo leeyahay ku amartay in ay xidhaan xijaabka Islaamku dumarka ku waajibiyey. Masuul ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dalkaas oo magaciisa aan shaacin ayaa mar uu la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska FP waxa uu yidhi, “Waaxda maamulka shaqaalaha dalka ayaa wareegto ay noo keeneen ku amray in dumarka shaqaalaha ka ah wasaaraddu ay hadda kadib mamnuuc ka tahay in ay timahooda qaawiyaan”

Wareegtadan oo wakaaladdan uu Geeska Afrika soo xigtay nuskhad ka mid ah heshay ayaa sheegaysa in dhammaan dumarka ka shaqeeya wasaaradaha, wakaaladaha, iyo laamaha kala duwan ee dowladda aan hadda kadib loo ogolaan doonin in saacadaha shaqada ay madaxa qaawiyaan, waxa aanu amarku dhaqan galay 31kii Diisambar 2015ka, dhammaan masuuliyiinta haayada dowladda iyo loo shaqeeyayaasha goobaha gaarka loo leeyahayna waxaa la faray in ay amarkan dhaqan geliyaan oo shaqaalahooda dumarka ah ku qasbaan.

Madaxweynaha dalka Gaambiya Yaxya Jaamac ayaa bishii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalkiisa oo boqolkiiba 95 Muslim ahi uu hadda kadib yahay, dowlad Islaamiya oo ku dhaqanta shareecada Islaamka, isla markaana dhowraysa xuququda muwaadiniinta aan muslimka ahayn ee laga tirada badan yahay.

Sannadkii 2013ka ayaa uu Madaxweyne Yaxye Jaamac dalkiisa oo hore uu Ingiriisku u gumaysan jiray ka saaray ururka Barwaaqo-sooranka ee ay ku bahoobeen dalalkii Ingiriisku gumaystay. Waxa aanu caan ku yahay go’aamo lama filaan dad badan ku noqda, tusaale ahaan bishii Noofambar ee sannadkii tegey waxa uu dalkiisa ka mamnuucay guud ahaanba gudniinka dumarka oo uu sheegay in Islaamku aanu farin.

Jaamac waxa uu xukunka qabsaday sannadkii 1994kii xilligaas oo uu ahaa 29 jir kornayl ciidamada ka tirsan ah oo kursiga afgembi ku qabsaday.

Xigasho Geeska Afrika