Dahabshiil Waa Muwaaddin ku dayasho Mudan

Waxaan ku bilaabayaa qoraalkayga, in aan marka hore cadeeyo in aanan annigu ahayn qof iska jeclaaday Dahabshiil, in aanan degaan ama hayb midna la wadaagin, aan ahayn Somaliland-nimo ama Somali-nimo hadba ka loo dhigo. Waxaanse qoraalka wakhtiga iyo juhdiga aan geliyey igu kelifay in aan anniga oo afka inta dareensan wax-qabadkiisa aan ku mahadnaqo, waayo manfacu maaha ka adiga oo qudha ku soo gaadha, laakiin taakulaynta, taageerida iyo wax la qabashada danyarta iyo inta tabaalaysan waa inoo wada waxtar. Arrinkaas anniga oo ka duulaya, ayaan u mahadnaqayaa illaahay baa mahad lehe.

Maxaan ka mahadnaqayaa?

Tijaarta ka ganacsata Somaliland iyo Somaliya tiradooda, weliba kuwa waaweyn iyo waxqabadkoodadooda ay gashadaan bulshada guud, waxaan u dhaafayaa dadweynaha. Anniguse waxaan wax ka qorayaa ooweliba dhawr waxqabad ka soo qaadanayaa Dahabshiil, waayo isaga ayaan qalinka u qaatay.

Hal ama laba ama dhawr aan taabto, aan tilmaamo waxqabad ku dayasho mudan oo uu qabtay Dahabshiil, aan tibaaxo xogo qarsoon oo dadweynaha aanu ugu faanin, isaga ( Dahabshiil) u arka in ay tahay sadaqao haboon qarin;

Wuxuu dhisay Cusbitaalka Laascaanood, wuxuu ku daray qayb ah TB-da oo ouu ugu deeqay dadka uu curyaamiyey dadka uu cudurkaasi dhibaateeyey.

Wuxuu si joogto ah wax uga qabtaa, abaaraha, macaluusha iyo gaajada ay keenaan aafooyinka nolosha ee Muqdisho iyo Koonfur.

Isaga oo ka dagaalamaya aqoon-darada, isaga oo ay damaqday jahliga iyo cilmi daradu, wuxuu illaa sanadkii dhawayd tirade guud ee uu caawiyo ama ka bixiyo fee-ga jaamcadaha Hargeysa kor u dhaafeen 37 arday, kuwaas oo ka soo jeeda danyarta reer Somaliland. Waxayna bartaan aqoonta cilmiga eek ala duwan. Si hoose ayaa loo soo xulaa, cidda u leh xaq caawimadaas, waxaana la sheegayaa in sanad walba la kordhiyo.

Sadaqadii gaarka ahayd ee xilligii abbaaraha oo uu door weyn ka qaatay.

Wuxuu ka qayb-qaatay, dhismihii Biriijyada Burco iyo Hargeysa, wuxuu ku darsaday qab dhaqaale oo badan, si loo horumariyo bilicda iyo baahida dalka.

Wuxuu ka qayb-qaatay nabadaynta iyo isu soo dhawaynta goobaha colaadugu ka taagan yihiin. Isaga oo ku bixiya hudi si loo helo nabad.

Tahriibta ayaa ah aafo Somali guud ahaan curyaamisay, wuxuu isaga oo aafadaas dagaalka qaybtiisa kaga jira ka qayb qaatay, dhismaha Groonkii Stadium Hargeysa ee kubada cagta. Wuxuuna gelinayaa dhaqaale aadf u badan.

Ma jecli in aan tiriyo wax badan oo qalbigayga ka buuxa oo aan ogahay in uu qabto, wayo wuxuu yidhi Boon Xirsi “Jacayl Xaasid ma waayo.” Marka aduunka qofkii waxqabta lagama waayo qof xaasida. Weliba ma ihi qof u shaqeeya oo og wax shirkada, waxaanse ka daalacday waxqabadkiisa saxaafada Somalida.

Akhristoow intaas oo wax-qabad, intaas oo kaalmo ah, intaas oo dhismayaal iyo taageero nabada ah. Taakulaynta dadweynaha oo uu noqday hal-door aan loo sheegin. Waxaad doonayaa akhriste bal in aad barbar dhigtid shirkadaha kale, tijaarta kale iyo wax-qabadkooda. Waxaad dabadeed eegtaa saxaafada maagaysa iyo shakhsiyaadka jaraafaynaya ee leh aduun qasab nagu sii, billaahi calaykum in aynu ka difaacno miyaanay ahayn ninka qiimahaas leh. In aynu tuug qaybinaya dadka, dhiiga daadinaya, nabada diidaya, neceb horumarka Somalida meeshay doonto ha joogtee miyaa la simi karayaa. Dee waa haddii la innaga arko!

Waxaan ku soo ururinayaa, maahmaah aan ka maqlay Xaaji Cabdikarrim Xuseen ( Xaaaji Cabdi-waraabe) oo tilmaamaysa Somalida dhaqankeeda, anniga oo uga jeeda kuwa aan waxna qabanayn, cayda iyo aflagaadadana la daba jooga haldoorka illaahay barakeeeyey. Waayo somalida ayaan qofka kana tegin , qaarkood caydana ka dayn. Wuxuu yidhi Xaajigu “ Dhuuso geel mana tagto, mana urto.”

Kuwa caayaya waxna aan qabanayn ha noqdeen tijaar, ganacsato ama saxaafade ayaa ka dhigan.

Axmed Cali Madar

Hargeysa

Somaliland.