DAHABSHIIL oo Abaalmarin Caalami ah ku Kasbatay Gargaarka Bulshada

Minneapolis(SLpost)-Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga qaabilsan ee American Refugees Committee “ARC”.

Xafladda waxaa lagaga hadlayey horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid waddamada caalamka. Waxaana xafladdan billado lagu gudoonsiiyay afar shirkadood oo saddex maraykan yihiin halka Dahabshiilna afar ku ahayd.

Waxaa kale oo abaalmarin la gudoonsiiyay shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah. Shirkadahaasina waxaa ka mid ahaa shirkada ganacsiga ee xawilaaddaha ee DAHABSHIIL.

Abdirashiid Maxamed Saciid oo ah maareeyaha guud ee shirkada DAHABSHIIL ayaa wax laga waydiiyey abbaalmarintan iyo sida ay shirkaddiisu ugu guulaysatay. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Xafladdan uu qabanqaabiyey ururkan American Refugee Committee, oo degan minnesota ahna haayad caalami ah oo dhulka soomaalidana aad uga shaqaysa. Markaa annaga DAHABSHIIL ahaan billaddaa ay na siiyeen aad baannu ugu faraxsanahay. Xafladdan oo ay Ilaa 1000 qof ka qaybqaadanayaan waxa lagaga hadlayaa horumarka ay soomaalidu qabatay”

Isaga oo ka hadlaya waxa ay billaddani ugu fadhido shirkadda Dahabshiil ayaa waxa uu yidhi “Billadan DAHABSHIIL waxa ay muujinaysaa dadka baarlamaankan maraykanka ka tirsan iyo ganacsatada maraykanka in doorka ay DAHABSHIIL ku leedahay dhulka soomaalida iyo waliba maraykanba ay tahay qayb ka qaybqaadata horumarka loona ogaado in ay jiraan dad dadaalaya oo dalkooda horumar la jecel” ayuu yidhi Cabdirashiid.

 

“Dahabshiil Waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dirista lacagaha, waxa kale oo aannu bangiyo ka hirgallinay oo aannu ka dhisnay dalka, sidoo kale waxa aannu ka shaqaynaa isgaadhsiinta iyo internetka. Markaa waannu ku faraxsanahay in Dahabshiil noqoto astaamaha lagu aqoonsado horumarka soomaalida” ayuu yidhi Cabdirashiid MAxamed mar uu sharaxayey waxyaabaha ay bulshada u qabato shirkada Dahabshiil.

 

Somalilandpost.net