DAHABSHIIL GROUP oo Qoyskii iyo Shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida ku timi Maayarkii Caasimadda Hargeysa

tacsiGuddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Eng.Yusuf Warsame Saeed, Maayarkii Caasimadda Hargeisa oo  Ilaahay oofsaday 6 April 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Shacabka reer hargeysa; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.