Dahabshiil Group oo lagu maamusay doorka ay ka qaadato horumarinta waxbarashada

HARGEYSA (SLpost)- Xaflad si qurux badan loo abaabulay ayaa lagu sagootiyey ardaydii dhawaan ka qallinjebisay dufcadda kowaad ee kulliyadda ICT-ga ee Jaamacadda ALPHA qaybteeda magaalada Hargeysa.

Xafladdaas oo habbeenimadii Sabtida ka qabsoontay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, maalgelinteedana ay bixisay shirkadda Dahabshiil Group, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, madaxda Komishanka IT-ga dawladda, Maareeyaha hay’adda Waddooyinka, wakiillo ka socday xisbiyada qaar, masuuliyiin ka tirsan shirkaddaha Dahabshiil, maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Alpha, ardayda qallinjebisay iyo marti sharaf kale.

Hormoodka Kulliyadda ICT-ga Jaamacadda ALPHA Eng. Rashiid Cumar Maxamed oo ugu horreyn ka hadlay xafladda, ayaa ka warramay faa’iidooyinka cilmiga Tiknoolajiga iyo waxyaabaha looga fadhiyo in laga helo ardayda ka qallinjebisay oo ah inay abuuri karaan waxtar caawiya nafahooda iyo dalkoodaba, iyagoo ka bilaabaya inay bulshada u gudbiyaan aqoontii ay barteen oo ay waxbaraan ardayda dugsiyada faraha badan ee waddanka ka jira, isla markaana ay si mutadawacnimo ah uga qaybqaataan horumarinta awoodda dhismaha dadka oo ah waxa ugu muhiimsan ee waqtigan Somaliland u baahan tahay.

Ardaygii ugu sarreeyey ardaydii sannadkan ka qallinjebisay Jaamacadda ALPHA, kana tirsanaa kulliyadda ICT-ga Mr. Jamaal Aadan Diiriye oo ku hadlayey afka ardayda, ayaa halkaasi uga mahadnaqay madaxda kala qaybgashay xafladda iyo Dahabshiil Group oo uu sheegay inay tahay shirkadda ugu mudan taageerada ardayda jaamacadaha dalka wax ka barta iyo weliba gacan ka gaysashada baahiyaha bulshada iyo waddanka mar walba ku yimaada, isagoo xusay in aanay xafladdu u suurtogasheen Dahabshiil la’aanteed.

Mr. Jamaal waxa uu ardayda ku booriyey in ay ilaaliyaan oo aanay gacanta ka sii dayn cilmiga ay barteen oo ah mid casri ah oo u baahan faro ku hayn iyo in si joogto ah loola socdo isbeddelladiisa caalamka, waxaannu ugu baaqay inay sii xoojiyaan aqoontooda oo cidii awoodi karta shahaahada MASTER-ta si degdeg ah u bilaabaan, “Ardaydii soo bandhigay dhigshineriga elektarooniga ah ee Somaliland oo dhan laga isticmaalay waxay ahaayeen arday jaamacadda ka tirsan, gaar ahaan fasaylkaygii,” ayuu yidhi Jamaal Aadan Diiriye.

Xafladdu intii ay socotay waxa madasha si toos ah ugu soo bandhigay barogaraamyo cilmiga Tiknoolajiga ah oo ay sameeyeen laba wiil oo ka mid ah arday ka qallinjebisay Kulliyada Tiknoolajiga, kuwaas oo ka turjumayey heerka aqoontoodu taagan tahay, isla markaana ay si weyn uga heleen martidii kala duwanayd ee halkaasi fadhisay. Waxa kale oo gabay loo bogay halkaa ka jeedisay Ifraax Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah ardayda xafladda loo qabtay, kaas ay u bixisay Gurmad, kuna dhiirigelinayso ardayda ka baxda jaamacadaha dalka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo khudbad ka jeediyey goobta, ayaa hambalyo uu u diray ardayda qallinjebisay iyo jaamacadooda kadib waxa uu ka hadlay barashada cilmiga Tiknoolajiga oo uu xusay in waqti aan fogayn loogu dhoofi jiray dibadaha oo isaga laftiisu ka mid ahaa dhallinyaradii u tagay dalka India, balse iminka si fudud looga helayo dalka gudihiisa oo ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Barogaraamyadii ardaydu sameeyeen halkan lagu soo bandhigay waa qaali oo waanu dhiirigelinaynaa, waxaannuna leenahay halkaa ka sii wada, bini’aadamku waxay ku horumareen oo ay wax ku noqdeen inay wax sii wadaan, tusaale ahaan haddii buug la qoro waxaad arkaysaa dabaabadacad labaad, mid saddexaad iyo mid arfaadba in laga sameeyo, laakiin innaga waxa laga yaabaa in sii wadidu inagu yar tahay oo qofku haddii uu wax sameeyeyna aan la dhiirigelin, isaguna uu halkii kaga tago,” ayuu yidhi Md. Xirsi.

Waxa kale oo Wasiirku siiyey ardayda tallooyin dhaxalgal ah, waxaannu yidhi, “Haddaad doonayso inaad guulaysto waa in aad ku talogashaa in waxaagu guulaystaan, waa in aad ku talogasho in aad aqoon hesho iyo inaad lacag hesho in aan dhakhso la isugu helin, markaa waa inaanad lacag baadidoonin ama dhakhso u taajir ee waa inaad isku daydo fikirkaaga iyo waxaad curisay siday suurtogal u yihiin oo loogu baahan yahay. Haddii ay kugu tagto in wixii aad curisay bilaa lacag ugu shaqayso ku shaqee, haddii ay kugu qaadato in wixii aad curisay bilaash ku bixiso ku bixi, waayo in himiladaadu hirgesho ayaa muhiim ah. Dalkeena dadka xooggooda ku mutadawaca ayaa yar, inta aad shaqada wayn helayso ta yar ama mid bilaa lacag ah ku sug.”

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Dahabshiil Group Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis), ayaa erayo isugu jira hambalyo iyo dhiirigelin u jeediyey ardayda dhammaysatay waxbarashada shahaadadoodii kowaad ee IT-ga iyo dadaalka ay sameeyeen.

Prof. Xasan Xiis waxa uu ardayda ka codsaday in ay iska ilaaliyaan mahlakada tahriibta, waxaannu yidhi “Walaalayaal, aabboyaal iyo adeerayaal waxaan idin leeyahay ha tahriibina fadlan, tahriibta waxa ka roon aabbayaashiin, hooyooyinkiin ama waalidkiin oo aad ka soo agtoostaan xataa adigoo bilaa camal, xadka Itoobiya iyo Suudaan ayaa lagu xidhay ee lacag ka soo bixiya waxa idiinka roon idinka oo Hargeysa ku shaqo la’, Liibiya ayuu adhi ku raacaa waxa ka wanaagsan idinka oo shaqo yar ku qanacna oo waddankeenii iyo dadkeenii dhex joogna. Annaguna shirkad ahaan waxaannu ballanqaadaynaa in aannu idin dhiirigelino oo weliba barogaraamyadaas IT-ga ah ee aad samayseen siday u sii kala wanaagsan yihiin u dhiirigelino.”

Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) oo soo khatimay khudbadihii laga jeediyey xafladaasi ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta dawladda, shirkadda Dahabshiil iyo marti sharafta kale ee kala qaybgashay munaasibaddaasi, waxaannu u soo jeediyey ardayda qallinjebisay in aanay goonin xidhiidhkii kala dhexeeyey jaamacadda oo ay hadda wixii ka dambeeya u noqonayaan dan-jirayaal ay tirsanayso oo wax ka bartay.

Waxa kale oo xafladda ka hadallo ka jeediyey Madaxa Komishanka ICT Cali Daahir, Eng. Cali Xasan oo ku hadlayey afka macallimiinta jaamacadda Alpha, Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf iyo Mr. Sacad oo ka socday shirkadda daabacaadaha ee Sagal Jet, kuwaas oo dhammaantood hambalyo, duco iyo dardaaran siiyey ardayda xafladda loo qabtay.

Ugu dambayn waxa halkaasi shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Shirkadda Dahabshiil oo lagu maamuusay doorka ay ka qaadato horumarinta tacliinta, gaar ahaan jaamacadaha iyo dhiirigelinta ay siiso ardayda oo uu u guddoomay Xasan Maxamed Jaamac iyo weliba qaar ka mid ah macallimiintii ardayda qallinjebisay aqoonta baray.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net