Dahabshiil Group oo bahda Suugaanta iyo Bulshada Soomaalida ka Tacsiyeeyey Labada Marxuum ee Cabdilaahi Dhoodaan iyo Cismaan Gacanlow

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL; Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum  Abwaan  Cabdullaahi Macallin Axmed Cismaan (Dhoodaan), oo 28 April 2013 Lagu aasay magaalada Jigjiga ee dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.

—————————

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL; Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay  marxuum  Sugaanyahan Cismaan Maxamed Cabdikarim “Gacanlow”, oo Lagu aasay magaalada Hargeysa toddobaadkan. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay,  marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.