Dagaalyahannada DAACISH oo goob kaliya ku Laayey 250 Askari oo Milatariga Suuriya ka tirsan (SAWIRRO)

Ankara (SLpost)- Dagaalyahannada ISIS ee dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa mar kaliya qudha ka jaray 250 Askari oo ka tirsan Milatariga dalkaasi Suuriya, kuwaas oo lagu toogtay badhtamaha Lama-degaan ku yaala deegaan ka tirsan Bariga dalkaas oo badankiisu gacanta ugu jiro dagaalyahannada DAACIS .

ISISAskarta la laayey ayaa ka tirsanaa cutubyo milatariga Suuriya ah oo ka hawl-galayey Saldhigga Cirka Tabqa ee dawladda oo dagaalyahannada ISIS gacanta ku dhigeen, halkaas oo ay kula wareegeen diyaarido dagaal, taangiyo, noocyada hubka waaweyn ee dalal duwan iyo rasaasba, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa muuqaal ay iska duubeen dagaalayahannada ISIS.

Muuqaalka ay barta Internetka ku baahiyeen dagaalyahannada ISIS, ayaa muujinaya qaab fool-xun oo loo laynayo 250 Askari ee dawladda Suuriya, kuwaas oo inta la feedho-qaawiyey oo surwaal gaaban lagu soo reebay lays-daba taxay meel bannaan oo kju taala duleedka magaalada Raqba.

Waxa soo baxaya warar beeninaya tirada Askarta la xasuuqay inay ka yartahay 250, haseyeeshee muuqaal laga duubay meydadka askarta, waxa ka muuqda 150 Meyd ah.

ISIS22ISIS2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ISIS222Shabakadda Somalilandpost.net waxa ay ka cudur-daaranaysaa in aanay akhristeyaasheeda iyo bulshada kale ee Soomaaliyeedba halka ugu soo gudbin karin muuqaalka Video-ga laga duubay xasuuqa Askarta oo qof bani’aadamka ahi aanu u dul-qaadan karin.

Dagaalhannada ISIS ayaa gacanta ku dhigay Askarta iyo saldhigga milatari ka dib muddo todobaad ah oo dagaal ku dhexmaray Ciidamada dawladda ee ku sugnaa saldhigga Milatari ee Tabqa oo masaafo ahaan 25 KM u jira gobolka Raqqa ee ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada DAACISH.

ISIS221Dawladda Suuriya, ayaa markii laga qabsaday saldhigga ku adkaysatay inay ciidamadeedu uga baxeen si ay dib isugu soo abaabulaan, waxaanay tani muujinaysaa in markii dambe la baacsaday dabadeedna qudha laga jaray.

In kasta dagaalyahannada khasaare culus ka soo gaadhay dagaalka, saldhigga milatari ee gacanta u galay waxa ka dhashay cabsi laga qabo inay hantiyeen hub farsamadiisu aad u sarreyso iyo saanad milatari oo yaallay saldhigga.

Dagaalyahannada IS ayaa dhowaan dawlad islaami ah kaga dhawaaqay Woqooyiga iyo Bariga dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

SOMALILANDPOST.NET