Dagaalyahanada Falastiin iyo Ciidanka Israa’il oo Daanta Galbeed Ku Dagaalmay

 

Falastin(SLpost)-Tiro dad ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rasaas ay is waydaarsadeen ciidammada Israa’iil iyo dagaalyahano Falastiiniyiin ah arrintaas oo ka dhacday Daanta Galbeed.

Masuuliyiin Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in israsaasayn culus ay dhacday markii ay ciidammada Israa’iil isku gadaameen guri ku yaala Jenin iyaga oo isku dayaya in ay soo xidhaan dagaalyahano Islaamiyiin ah.

150723063940_israel_soldiers_afp__512x288_afp_nocredit

Shan ruux oo Falastiiniyiin ah iyo qof Israa’iili ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen. il wareed ururka Xamaas ka tirsan ayaa sheegay in la qabtay labo ka mid ah xubnahooda balse uu mid kii saddexaad ka baxsaday xadhiga.