Dagaalo culus oo ka socda Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed ee dalka Libya + SAWIRRO

Tripoli, (SLpost)– Sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan dagaalo qadhaadh oo aan waxba la iskula hadhin ayaa ka soconaya magaalooyinka Sirta iyo Bin waleed oo ah labada goobood ee hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar al-Qadaafi iyo taageerayaashiisu wali xooga ku lee yihiin. Labadan magaalo ayaa sida la sheegay waxa ka socda dagaal jidadka iyo meel kasta lagu dagaalamayo.

Inkasta oon la ogayn tirada khasaaruhu inta uu leeg yahay haddana waxa jira warar laga helayo labada dhinac oo muujinaya in dad badan ku geeriyoodeen, kuwo kalana ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ay labada dhinac mid walba goonidiisa u sheeganayaa guulo wax ku ool ah oo uu ka gaadhay dagaalka.

Kooxaha golaha ku meel gaadhka Qaranka Libya ee dhawaan talada dalka la wareegay ayaa mar hore oo jimcihii ah soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in madaarka way nee magaalada Sirta ay gacanta si buuxda ugu dhigeen, waxa kale oo qoraalkooda lagu sheegay in ciidamadoodu ay si xoog leh ugu sii durkayaan gudaha magaalada Bin waleed, hasa yeeshee waxa ay muujiyeen in dagaal adag iyo wax iska celin xoogan ay ku jiraan xoogaga Qadaafi ka amarka qaataa.

Labadan magaalo ayaa muddo laba todobaad ka badan waxa ay kooxaha Libya qabsaday kula jireen wada hadal ay ku doonayaan inay is dhiibaan oo aanu dhiig kale ku daadan dagaalo kalana ka dhicin, hasa yeeshee waxa ku gacmo saydhay ciidamo ka tirsan kuwii Qadaafi oo ku sugan magaalooyinkaas kuwaas oo laga shakisan yahay inay kala hogaaminayaan labada wiil ee Qadaafi dhalay Sayf Al-Islaam iyo Khamiis oo iyaga magaalooyinkaas lagu sheegayay maalmihii u danbeeyay.

Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya xili dalkaas ay ku qul qulayaan wufuud caalami ah oo ka kala socda dunida oo ay ka mid ahaayeen, raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, madaxweynaha faransiiska Nicolas Sarkozy iyo raysal wasaaraha Turkiga Rajeb Dayib Ordokhaan oo isna maanta jimcihii dalkaas gaadhay.

SomalilandPost News Desk