Dagaalkii Qoriiley Oo Xal Hor Dhac Ah Laga Gaadhay

 

Qoriley(SLpost)-  Guddi Madaxdhaqameed iyo waxgarad ah oo isku xilqaamay dejinta xiisadda colaadeed ee todobaadadii tagay ka soo cusboonaatay degaanka Qoriley ee ku dhaw xuduuda Somaliland iyo Puntland ayaa ku guulaystay xabad joojin la kala dhex dhigo labada beelood.

 

Todobaadadii la soo dhaafay ayaa tiraba laba jeer dagaal ka dhacay degaanka Qoriley oo 70Km koonfur bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo la sheegay in dad ku dhaw 20 qof ku kala dhinteen, sidoo kalena dhaawac labada dhinac ahi jiray.

 

Guddida ayaa magaalada Burtinle oo u dhaw halka lagu dagaalamay waxay kaga dhawaaqeen bilawga xabad joojinta, iyagoo sheegay inay kala qaadeen ciidamada labada dhinac islamarkaana la isla qaatay xabad joojin hirgasha inta la dhexdhexaadinayo arrimaha la isku hayo.

 

“Waxaanu ku guulaysanay dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ka dhexeeyay  oo waqooyiga magaalada Burtinle ka socday inaanu ciidamadiina kala qaadno xabad joojinna ku dhawaaqno, nabad dhammaystirana ku baaqno,” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Xaaji Ibraahin oo BBC-da uga waramay baaqa guddida.

 

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay in labada dhinacba si niyad samaan ah u ogolaadeen xabad joojinta “Si fiican bay labada dhinac ba nooga ogolaadeen xabad joojinta, ciidamadana anagoo goobjoog ah baanu kala qaadnay, wixii dhacayna in guddi loo saaro oo laga wada hadlo ayaanu ku dhammaynay Illaahay fadligii,” ayuu yidhi Suldaanku.