“Dagaalka halkan (Somaliland) ka socda, maaha Mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay is hayaan doorasho-doonka Somaliland oo xal doon ah iyo…”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay dibin-daabyo joogto ah ku hayso tabaabushaha looogu jiro doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha Wakillada oo la qorsheeyey inay dalka ka dhacaan badhtamaha sannadka dambe.

xisbiyadaMasuuliyiin sar-sare oo ka tirsan labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI oo maanta magaalada Hargeysa si wada jir ah ugu qabtay shir-jaraa’id, waxa ay ka hadleen khilaafyo sharci oo u dhexeeya Goleyaasha sharci-dejinta iyo wax ay ku tilmaameen ifafaale muuqda oo Xukuumaddu ku maleegayso xeelado-siyaasadeed oo muddo-kordhin loogu ololeynayo iyo dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka, iyagoo tusaale u soo qaatay muranka ka taagan xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo xalaalayntiisu wali cirka ku laalan tahay.

HALKAN KA DAAWO