Dagaalka Gaza oo Khasaarihii ugu badnaa Gaadhsiiyey dhaqaalaha Israel, Wershayleyda iyo Beeralayda oo mag-dhow dalbaday iyo Jaah-wareerka taagan

London (SLpost)- Waxa goobihii ay ka shaqaynayeen ee gobollada badhtamaha dalka Israel dib ugu laabtay 30% shaqaaliihii ka hawl-galayey Wershadaha dawladda iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ku yaala goobo dhulka hoostiisa ah oo gaar ahaan loogu talo-galay xilliyada colaadaha, sida uu qoray wargeyska ugu afka dheer dalka Israel ee Haaretz.

Sida uu Wargeysku daabacay, waxa hoos u dhacay 40% Xooggii wax soo-saarka dalka Israel sababo la xidhiidha inaanay wershadahoodu haysan gabbood ku habboon in laga hoos-galo Gantaalada kaga imanaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

Wargeyska Haaretz iyo Idaacad laga leeyahay dalka Israel waxa ay tilmaameen in boqolkiiba 70 hay’adaha dawladda, Wershadaha iyo Beeraha laga beero dalalgyada kala duwani aanay wax shaqo ah qaban tan markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.

Warbixinta lagu baahiyey Wargeyska, ayaa lagu sheegay in Israel ay khasaartay 950 Milyan oo Dollar saddexdii todobaad ee horeeyey xasuuqa ay ku hayso shacabka Gaza.

Wershado dhowr ah iyo Beeraleyda dalkaas, ayaa wasaaradda Maaliyadda Israel ka dalbaday Mag-dhow laga siiyo khasaaraha ka soo gaadhay wax-soo-saarkooda hoos u dhacay.

Wariyaha diyaariyey Warbixinta Wargeysku qoray oo la yidhaahdo Antoine Shalhat, ayaa sheegay in gantaalada Iska-caabbinta ah ee Falstiiniyiintu ku ridaan gudaha Israel ay sababeeyey khasaare baaxad leh oo soo gaadhay dhaqaalaha dalka Israel, taas oo ku khasabtay shiradaha iyo wershadleyda inay ganacsigooda iyo mashaariicda u raraan dhinaca Woqooyi ee dalkaas oo la rumaysan yahay inay ka bad-qabaan gantaalaha ay ridayaan Ururka Hamaas. Wariyuhu waxa uu tilmaamay in tallaabadani ku keenayso shacabka deggen koonfurta nolol la’aan isla markaana ay ku khasabanaanayaan inay u guuraan dhinaca Woqooyi ee Israel.

Wasiirka Maaliyadda ee Israel Yair Lapid oo todobaadkii hore booqasho ku tagay Koonfurta dalkiisa, ayaa sheegay in wasaaraddiisu bixinayso mag-dhowga khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka Gaza, isaga oo sheegay in dawladda Israel ay ka samaynayso deegaamada Koonfurta Nidaamka Difaaca Gantaalaha si ay uga hortagaan ama u burburiyaan gantaalaha Xamaas.

Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay waaxda Tirakoobka ee Israel bishii March ee sannadkan, gobollada Koonfureed ee Israel, ayaa wax-soo-saarka iyo badeecadaha dalkaasi dibadda u dhoofiyo ka ah boqolkiiba Siddeed.

Sannadkii 2013, badeecadaha iyo wax-soo-saarka dawladda Israel u dhoofiso waddamada Dibadda, waxa lagu qiyaasay 93 Bilyan oo Dollar.

SOMALILANDPOST.NET