Dagaal Mar Kale Gaalkacayo Ku Dhex-maray Ciidamada Puntland Iyo Galmudug

(SL.Post) Dagaalo ayaa la soo sheegayaa iney goor dhoweyd  dib uga qarxeen galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ay isku hor fadhiyeen maalmahanba ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dib u qarxay markii maamulka Puntland uu maanta dib u bilaabay dhismaha Maxjar loogu talo galay Xoolaha oo galbeedka magaaladaas laga dhisayo, kaasoo dhulka laga dhisayo muran xoogan uu ka taagan yahay.

Daryanka madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa galbeedka magaalada kuwaasoo ay isweydaarsanayaan ciidamada halkaas isaga soo horjeeda sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan magaalada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo daba socda dagaalo dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay halkaas ugu dhexmaray labada dhinac kuwaasoo ugu yaraan 10 ruux ay ku dhinteen, qaar kale oo badana ku dhaawacmeen.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan iyadoo shacabkii degenaa intiisa badan ay magaalada ka barakaceen maalmihii la soo dhaafay, waxaana guul daro ku dhamaatay waan-waan ay wadeen odayaal ka tirsan labada dhinac oo la doonayey in xabada lagu joojiyo.

 

Somalilandpost.net