Culimada Somaliland oo Shacabka u soo bandhigay Faa’idada leedahay Taakulaynta Dadka Tabaalaysan

Hargeysa (SLpost) – Culimmada waaweyn ee Somaliland ee loo xil-saaray taakulada dadka ay abaarahu saameeyeen ee Soomaaliya ayaa ummadda islaamka ah, gaar ahaan dadka reer Somaliland ugu baaqay inay sadaqadooda iyo zakaadkooda ay ku taageeraan dadka tabaalaysan.

Culimadu waxay sharraxaad balaadhan ka bixiyeen axkaamta la xidhiidha sadaqada iyo sida ay zakadu ugu baxayso dadka muslimiinta ah ee dhibaantaysan ee ku dhaqan guud ahaan dunida dacalladeeda.

Culimmada hadalkooda iyo warbixinta halka ay wax u marayaan ku qabteen caasimadda iyaga oo la hadlayay  warbaahinta kala duwan ee  caasimada Hargeysa, waxayna si weyn u soo bandhigeen aayaadka Qur’aanka Kariim ah ee la xidhiidha amaawiirta Illaahay ku amray addoomadiisa muuminiinta ah inay isku naxariistaan oo dadka masaakiinta ah ay si gaara ugu naxariistaan, waxa kale oo culimada Somaliand ay si cad u bayaamiyeen in taakulada loo gaysanayo dadka abaarunhu hayaan ee Soomaaliya ay tahay adeecidda iyo fulinta awaamiirta Alle.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadalay Sheekh Maxmed Aadan Muxumed waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Annagu ka culimmo ahaan waxaanu mar walba ka hadalnaa wixii ummada u dana, arrinka taakuladu dadka dhibaataysanina ma ahan arrin siyaasadeed ee waa arin sadaqo, waana arrin aanu diinta caddeyn ugu hayno, ummaddan waxaanu ugu bandhiganay si wanaagsan wayna naga aqbaleen, wayna ku mahadsan yihiin. Aniga oo runtii aad u dhiiri-galina in la taageero dadkeena abaaraysan, haddana adigoo baahida daboolay ama ay ku hafisay ayay shareecada islaamku ku amartay in dadka kaa daran aad taageerto.”

Waxaa kaloo isaguna halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle, wuxuuna yidhi, “Walaalayaal dadka dhibaateysan ee aynu walaalaha nahay ee baahida hayso ee aduunka oo dhan looga soo gurmanayo waxaan qaadanay inaynu wixii aynu ku tari karno ku tarno – maadaama ay walaaldeen yihiin aanan dunida ka xigto. Innaguna ka culimmo ahaan taas ayaanu ummadda ku boorinaynaa oo aanu u sheegaynaa in aakhiraaadooda ay faa’iido ugu jirto, waxaanu dadka u sheegaynaa in wixii zako ah ama sadaqo kaleba ah ay diin ahaan u bixiyaan.” Wuxuuna Sheekhu hadalkiisa ku xoojiyay aayado Qur;aan iyo Axaadiis saxiix ah oo la xidhiidha xukunka sadanaqa, zakada iyo dadka ay ku waajibayso.

Ugu dambayn, waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed isla markaana ah afhayeenka gudiga culummada wuxuuna sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay taakulada dadka tabaalaysan.

Somalilnadpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com