Dagaal ka qarxay deegaanka Qararo ee Gobolka Saraar

Qararo(SLpost) laba beelood oo ka tirsan Beesha Barriga Burco oo khilaaf ba’ani beryahan ku dhex marayay Baraago mid kamid ahi ka qodaysay deegaanka Qararo ayaa wararka ka soo baxayaa sheegayaan in xaaladdu meel xun marayso isla markaana mid ka mid ah Beeshaasi weerartay Ciidan Booliis ah oo xukuumaddu kala dhex dhigtay taasoo lagu soo waramayo in ay Rasaaseeyeen goor dhaweyd.

Labada Raas ee Baraagaha isku haya deegaanka Qararo ayaa kala ah laba Raas oo ka soo jeeda Beesha Axmed Faarax oo la kala yidhaahdo Buraale Maxamed iyo Cabdi Xildiid kuwaas oo ka soo horjeeda Raas kale oo ka soo jeeda Beesha Solamadow oo la yidhaahdo Reer Nabad.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay xaaladan ayaa sheegaya in labada Raas eek a soo jeeda Axmed Faarax ay dhaawaceen qaar ka mid ah booliiska hase yeeshee illaa hada warku ma cadayn tirade dhaawaca loo gaystay Askarta.

breaking-news

Sidoo kale, wararka naga soo gaadhaya degaanka shaqaaqadu ka taagan tahay ayaa sheegaya in Gurmado labada dhinac ka kala tirsani ku soo qul-qulayaan deegaanka muranku ka taagan yahay, kuwaas oo la sheegayo in ay Hubaysan yihiin.

Ciidamo Boolis ah ayay wararku sheegayaan in ay Gurmad ahaan deegaankaasi u gaadhayaan waxaanay dad looga qaateen ahi Somalilandpost u xaqiijiyeen in magaaladda Burco oo kale ay ka baxeen ciidamo Gurmad loogu diray si ay u xoojiyaan Amaanka.

Khilaafka labada beelood ku dhex maraya baraagahan ayaa ka soo bilaabmay Baraago raasaska ka soo jeeda Beesha Axmed faarax ay isku dayeen in ay uga qotaan deegaanka Muraayadda oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle kuwaas oo ay u diideen Raaska ka soo jeeda Beesha Sola-madow, taas bedelkeedana waxa maanta baraagahan loo diidan yahay beeshii hore u diiday baraagaha oo imika doonaysa inay deegaankan ka qodato baraago cusub.

Somalilandpost.net

Qararo