Dagaal afka ah oo uu Mareykanku ku qaaday Ruushka oo magangeliyay ninka fashiliyay sirta badan iyo noocyada macluumaadka uu bixiyay

London (SLpost) Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Ruushka.Barack Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eega in xidhiidhka Ruushka ay la leeyihiin uu shaqeynayo iyo in kale.Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu sheegay inuu u fakaraya sidii berigii dagaalka qabaw.Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaadho arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal.Maraykanka ayaa ka cadhooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii kashifay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.Barnaamijkaas ayaa lagu dhagaysanayay telefoonnda, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socda farriimaha internetka ee malaayin ruux.Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasha uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go’aanka Ruushaka ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden.

Warbixinada sirta Maraykanka ee la daabacayWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya daabacadii kumanyaal warbixino dimlomaasiyiinta maraykanka ay leeyihiin oo sir ah ee lagu daabaxcay barta internetka ee Wiki Leaks.Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa waxaa ka mid ah in Boqor Cabdalla ee Sacuudi Carabiya uu ku guubaabiyay Maraykanka inuu weeraro saldhjiga nucliyeerka ee Iran.Warbixinada la daabacay waxaa ka mid ah, meel ay Israel ugu sheegayso masuuliyiinta Maraykanka inay Israel la tashadeen Masar iyo dowladda falastiiniyiinta intaanay Gaza weerarin sanadkii 2008da dhamaadkiisii.Warbixinada waxaa ka mid ah mid sheegaysa sida uu Maraykanka uga walwal san yahay musuqmaasuqa ka jira Afganistaan.Warbixinta ayaa sheegaysa, in hayadda ka hortaga daraaga ee Maraykanka ay heshay madaxweyne ku xigeenka Afganistaan oo lacag dhan konton iyo laba million oo dollar ay boorso ama shandad ay ugu jirto.Dalka Afganistaan, Masuul Maraykan ah ayaa wuxuu qoray in Madaxweyne Hamid Karzai walaalkii Axmed Wali Karzai, in lagu yaqaano inuu sameeyo musuqmaasuq, kana ganacsada Daraaga.

obama

Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa waxay sheegayaan in Maraykanka uu si qarsoodi ah u baarayo dadka u shaqeeya Qaramada Midoobay.Warbixinada oo sidoo kale lagu daabacay wargayska Guardian ee ka soo baxa Britain, David Leigh oo ka tirsan wargayska Guardian ayaa BBCda u sheegayy in warbixinadan ay dadka u baahan yihiin si ay u ogaadaan sida ay dowladaha u fikiraan. Ninka bixiyay sirta sirdoonka MaraykankaEdward Snowden, oo horey ula shaqeyn jiray hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, ayaa sheegay in uu gudbiyay warar sir ah oo ay leeyihiin sirdoonka Maraykanka si uu u ilaaliyo xorriyadda aadamahaLabo wargeys oo laga leeyahay dalka Britain iyo Maraykanka, the Guardian iyo the Washington Post, ayaa bannaanka soo dhigay ninkan oo u soo gudbiyay xog la xidhiidha barnaamij dadka lagu dabagalo, oo aan horey loo ogayn.Snowden ayaa sheegay in CIA-du ay caqabad ku tahay awoodda dowladda, oo ayna halis ku tahay hannaanka dimuqraadiyadda.

Barnaamijka uu kashifay Snowden ayaa lagu dabagalayay malaayiin ruux oo ku kala sugan dunida, iyadoo la dhagaysanayay telefoonnadooda isla markaana la akhrinayay farriimahooda bogga internet-ka.Wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegaysa in ay billawday baadhitaanno la xidhiidha macluumaadka sirdoonka ee amar la’aanta la bixiyay.Dowladda Britain ayay soo food saartay dhaleeceyn la xidhiidha in ay adeegsatay warbixinno ay curiyeen sirdoonka Maraykanka, si ay u garab maraan sharciyada u yaalla dalka Britain ee la ku saabsan dabagalka dadka.Ras’iisalwasaaraha Britan David Cameron ayaa sheegay in sirdoonka Britain ay u howl galaan si waafaqsan sharciga.

Somalilandpost.net

London