Dadweyne Dhigay Mudaharaad Salmi ah oo ay Kaga Cabanayaan Maamulka Xarrunta Agoomaha ee Kuwayt Ka Hirgalisay Hargeysa

Hargeysa(SLpost) – Mudaharaad salmi ah oo ay maanta dhigeen dadweynaha danyara ah ee degga berriga magaalada Hargeysa ilaa deegaanka Haleeya ayaa waxa ay kaga cabanayeen dugsiga agoomaha ee ay Kuwayt ka hirgalisay magaalada Hargeysa iyada oo ay sheegeen in sida ku qoran ama dadka loo sheego ah in aannu bilaash ahayn ee laga qaado lacag aad u qaali a arday kastaba.

 

Dhaliillo ku saabsan musuqmaasuq waxbarasho ayuu wajahayaa dugsiga aggoomaha ee dawladda Kuwait ka hirgalisay duleedka bari ee Hargeysa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa laba goor oo kala dambeeyay xadhiga ka jaray qaybta hablaha iyo qaybta wiilasha ee xarunta waxbarasho ee aggoomaha ee bariga Hargeysa.

 

Dadweynahan oo aad u tiro badnaa ayaa mudaharaadkan salmiga ee ay ku qabteen duleedka xaruntaasi waxbarasho waxay ku sheegeen in dugsigaasi yahay mid si gaar ah lacag looga qaado dadka dhiganaya, islamarkaana aanu waafaqsanayn ujeedka loo aasaasay ee ah taakulaynta agoomaha.

 

Dadweynaha ayaa sheegaya in ilmaha yar ee dugsigaasi dhiganaya laga qaado konton dollar, islamarkaana aanay suuro gal ahayn dadka danyarta ahi halkaasi wax ka bartaan. Waxay ku doodeen inay tahay xarun ay dadka lacagta lihi wax ku baran karaan.