Dadweynaha Reer Suudaan Oo U Dareeray Doorasho Iyo Axsaabta Mucaaradka Oo Qaadacay

Khartoum, (SLP)- Dadka reer Suudaan ayaa maanta oo Isniin ah waxay u dareerayaan goobaha cod-bixinta si ay u soo doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo markii ay Suudaan kala go’day.

In ka badan 37 milyan oo qof ayaa u diiwaan-gashan inay codkooda dhiibtaan.

Inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyadoo dalalka reer galbeedku ay sheegeen inaanay muuqan jawi abuuraya doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhammaan arrimahani ayaa waxa lagu macnayn karaa in Cumar Al-Bashiir oo xukunka soo hayay tan iyo sanadkii 1989-kii uu hadda hubo in dib loo soo dooran doono.

Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ayaa amartay in la soo xidho Cumar al-Bashir 2009-kii, balse dhawaaqaas kumay guulaysan ilaa hadda reer galbeedku.

Doorashadu waxay socon doontaa saddexda maalmood ee socda.

 

Somalilandpost

Wararka Afrika