“Dadweynaha Gobolka Sanaag Waxaan Leeyahay Waa Inaad Guntiga u Xidhataan Ka qeyb-qaadashada Jidka Ceerigaabo”Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Hargeysa, (SLpost)- Maareeyaha madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Sanaag, ayaa soo maray deegaamadda Yufle, Kal-Shiikh, Uur-weyn iyo deegaamo kale oo ka mid jiidaha gobolka Sanaag, waxaanu ku booriyay inay dawladda Madaxweyne Siilaanyo kala shaqeeyaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolkaas.
Maareeyaha madbacadda Qaranku waxa uu deegaamadda uu soo maray bulshadda ku dhaqan ugu baaqay inay ka qeyb qaataan qaadhaanka lagu dhisayo dhismaha jidka Ceerigaabo oo uu ku tilmaamay mashruucii ugu weynaa ee dawladdu dalka ka abaabusho, waxaanu xusay in marka uu dhammaado dhismaha wadada Ceerigaabo uu fure u noqon doono hour-socod dhaqaale iyo bulsheed oo ka tisqaada gobolka Sanaag.
“Waxa loo baahan yahay in shacbiga gobolka Sanaag ay kaalin weyn ka qaataan dhismaha jidka Ceerigaabo oo meel wanaagsan maraya isla markaana madaxweynuhu furayo qeybihii ugu horeeyay oo lagu guulaystay, wadadani waxay muhiim u tahay isku socodka gobollada Barriga dalka,”ayuu yidhi Maareeyaha Madbacadda Qaranku.
Cabdilaahi Carey waxa uu sheegay in dawladda Somaliland mudadii ay jirtay wax ka qabtay horumarinta adeegyadda daruuriga ah ee bulshadda.
“Waxaan ku tirtirsinayaa dadweynaha Gobolka Sanaag gudo iyo dibad-ba ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay maalkooda, muruqooda iyo maskaxdoodaba ugu bixin lahaayeen Jidka Ceerigaabo oo ah mashruuc weyn oo muftaax u noqonaya horumarka ay gobolada barriga Somaliland ku taamayaan,”ayuu intaas ku kabay Maareeyaha Madbacadda qaranku.

Maareeyaha Madbacadda qaranka waxa socdaalkiisu uu qeyb ka yahay booqashadda madaxweynaha Somaliland ku marayo gobolada Barriga oo uu xadhiga ka soo jari doono qeyb ka mid ah jidka Ceerigaabo oo lagu guulaystay.