Dadweynaha Gobolka Gabiley oo Ka dareen-celiyey Isku-shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada (DAAWO)

Gabiley (SLpost)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa ka dareen-celiyey Isku-shaan-dheynta Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada iyo taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, iyaga oo ilaa saaka si gaar ah Xarunta gobolka Gabiley looga hadal-hayey isku-beddelka Wasiirradii Hore ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Samsam Cabdi.

Dadweynaha Gobolka Gabiley oo Ka dareen-celiyey Isku-shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada (DAAWO)Isku-shaan-dheynta Madaxweyne Siilaanyo oo isugu jirtay magacaabis cusub, Isku-beddel iyo Xil-ka-qaadis oo xalay saqdii dhexe la soo saaray, ayaa noqonaysa Isku-shaan-dheyntii ugu ballaadhneyd ee uu golaha Xukuumaddiisa ku sameeyey wixii ka dambeeyey Dhismihii xukuumadiisa markii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay hoggaanka talada dalka doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2010-kii.

Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta madaxa-bannaan ee gobolka Gabiley, ayaa warbixin kooban oo xambaarsan dareen shacabka degmada Gabiley qaarkood ka diyaariyey Isku-shaandheynta madaxweyne Siilaanyo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXINTAN.