Dadweynaha Dalka Masar oo maanta u dareeray Goobaha Codbixinta si ay Madaxwene Cusub u doortaan

Cairo (SLpost)- Dadweynaha dalka Masar ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan Madaxweyne cusub, iyadoo doorashadani  ay noqonayso   tii ugu horaysay ee madaxweyne-nimo ee dalkaasi ka qabsoonta  tan iyo markii xukunka laga tuuray  madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik.

Doorashadan haatan waxaa u taagan oo ku loolamaya ilaa Saddex iyo toban musharax, waxaana  la saadaalinayaa   suura galnimada  in wareega kowaad ee doorashada ay isugu soo hadhi karaan shan ilaa afar murashax,

Doorashadan madaxtinimada ee maanta ka bilaabantay dalka Masar waxa codkooda ka dhiibanaya ilaa 50 malyuun oo ruux , kuwaasi oo codkooda ka dhiibanaya todoba iyo labaatan gobol oo  Qaahiri ugu dad badan tahay.

Cod bixinta doorashada ayaa waxa ay dalkaasi ka socon doontaa  Maanta iyo burrito , iyada oo  natiijada doorashadana lagu wado inay  soo baxdo  sagaal iyo labaatanka bishan May oo ah waqtiga ay u xadideen  inay natiijadu soo baxdo guddiga sare ee doorashooyinku. Hadiise murashaxiinta doorashada ku loolamaya midkoodna gaadhi waayo inuu helo 50% codadka la dhiibtay,waxay noqonaysaa in wareeg labaad   la qabto, taasi oo loo qorsheeyey in dadka  Masaarida ah ee dibadaha ku nooli ay wareega labaad codeeyaan  saddexda ilaa sagaalka bisha Juun,  dadweynaha  Masaarida ee dalka gudihiisa  joogaana ay codayn doonaan 16 ilaa 17- isla bisha Juun.

SLpost News