“Dadkan Xukuumadda Ka Tegey, Badankoodu Hore Umay Ahayn Kuwo Hawl-wadeenno Ka Ah KULMIYE ” Muuse Biixi

London (SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Ahna Musharraxa Xisbigaasi uga qayb galaya doorashada Madaxtooyada Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa Markii U Horreysay si toos ah uga hadlay wararkii  maalmahan ugu hadal haynta badnaa ee  garabkii ka fellaagoobay xukuumadda ee dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI.

maxresdefault

Guddoomiye Muuse Biixi oo kamid ah weftiga uu madaxweyne Siilaanyo horkacayo ee haatan ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa mar uu booqday xarunta laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da  ee magaallada London waxa waraysi kooban uu siiyey Weriye Cabdiraxmaan Bidhaan X. Daahir oo BBC-da ka tirsan kaga hadlay amuuro ay kamid yihiin safarradii kala dembeeyey ee ay ku soo mareen UAE iyo UK, garabkii ay wasiirradii hore ee  Khaarijiga & Madaxtooyadu horkacayeen ee ku biirey WADDANI iyo arrimo kale. Muuse Biixi Cabdi ayaa Mar uu ka hadlayay aragtidiisa la xidhiidha xubnaha Ku Biiray WADDANI Waxaa uu sheegay in aanay badankoodu kamid ahayn hawl-wadeennada Xisbiga KULMIYE. Waxaana mar Weriyuhu weydiiyey su’aal u dhignayd in xubnaasi ay qoonsadeen isaga (Muuse Biixi) isla markaana markii ay dudeen uu ka daba tegi waayay, waxaa uu yidhi  “Horta dadkan immika ka tegey xukuumada badankoodu hore umay ahayn dad hawl-wadeenno ka ah xisbiga KULMIYE, Waxay u badnaayeen kuwo ka shaqaysta hay’adaha Caalamiga ah ama kuwa UNta iyo dad Iskood u shaqaysta  oo isugu jiray Ganacsato iyo kuwo shirkadaha Xawaalladaha iyo telefoonnada ka shaqeeya, hase yeeshee markii uu xisbiga KULMIYe guulaystay kasoo qayb galay xukuumadda oo madaxweynuhu xilal u dhiibay, markii dembena iyagoo xukuumaddii ah ayaa  xilalkii loo dhiibay  ay iska casileen. Wey jiraan dhawr qof oo dadkii xisbiga ahaan jiray ka midah  oo qaarkood baarlamaanka ku jiraan, laakiin dadkan kale badankoodu waxay xisbinimada ku ahaayeen xilkii  wasiirnimada ee ay hayeen, markaa dee aniga waxba iskumaanaan qaban ee iyagaa doortay inay  meel kale tagaan markaa qofku waa u xor ra’yigiisa”. ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Waraysiga Uu Weriye Cabdi Bidhaan La yeeshay Guddoomiye Muuse Biixi waxyaabaha kale ee uu kaga hadlay waxaa kamid ahaa rejada uu ka qabo in doorashada madaxtooyadu waqtigeedii ku qabsoonto iyo in dhaqaalihii xukuumaddu ballanqaaday la bixiyo, waxaanu sheegay in uu rejo buuran ka qabo in dhaqaallihii ay xukuumaddu shubto, doorashaduna waqtigeeda ku qabsoonto. Su’aal kale oo taas sii daba taallay oo la xidhiidha   in uu aqbalayo goaanka doorashada ee natiijada codbixinta haddiba ay doorashadu qabsoonto. Waxaanu sheegay in ay Somaliland ahaan iyo siyaasi ahaanba ay waayo arag u yihiin arrimahan oo kale, Shakhsi ahaantiisana aan looga baqayn in uu dibindaabyo kala hor yimaaddo go’aammada doorashada madaxtooyadu ku dhammaanto.

 

Somalilandpost.net