Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag u dhaliilay xil-gudashada saddexda waaxood ee hay’adaha Dawladdu ka kooban, waxaanu ku dooday in xil-gudashadii dastuurka dalku ku waajibiyey saddexda hay’adood ee Garsoorka Xeer-dejinta iyo Xukuumadda oo meesha ka maqan ay sababtay caddaalad-darro iyo busaarad dalka ka jirta.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusayey maalinta Xuquuqal Iinsaanka Caalamka oo lagu soo bandhigay tacaddiyo bani’aadamnimada ka dhan ah oo Somaliland ka dhacay sannadkan gudihiisa, waxa uu ka dayriyey xaaladda nololeed ee bulshada danyarta ah iyo camal-la’aanta dhalinyarada dalka oo uu sheegay inay ka shidaal-qaadanayaan nidaam-xumo maamul oo dalka jirta.
HALKAN KA DAAWO