Dadka Muslinka Ah Ee Faransiiska Oo Lagu Casuumay Masaajidada Dalkaas

France(SLpost)-Todobaadkan oo wadanka France laga xusayo weerarkii sanad kahor ka dhacay Paris ayey Masaajidada ku yaal caasimada France casumaad u fidiyeen dadka aan muslimka ahayn ee doonaya inay wax ka ogaadaan Diinta Islaamka.

France-Masjid-Paris0 France-Masjid-Paris1-400x300
Kumanaan ah dadka u dhashay France ayaa booqday masaajidada waaweyn ee ku yaal magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi gaar ahaan Masaajidka weyn ee ku yaal Caasimada.

Madaxweynaha France Francois Hollande ayaa Axadii shalay kamid ahaa dadkii booqday Masaajidka weyn ee ku yaal caasimada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Bernard Cazeneuve oo isaguna booqday Masjidka ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in isdhexgal iyo wadahadal fiican dhexmaro dadka Muslimka ah iyo kuwa aan ahayn ee wadankaasi kuwada nool.

Dadkan ayaa eegayey qaabka ay muslimiinta u tukadaan, isla markaana fursado loo siiyey inay su’aalo weydiiyaan imaamyada.

Tilaabadan ayey muslimiinta France uga hortagayaan dacaayada ay fidinayaan kooxaha Xagjirka ah ee Cadaanka France oo u adeegsada weerarada argagaxisada in cadaadis xoogleh la saaro muslimiinta wadankaasi ku dhaqan.