Dadka Maraykanka Oo Ay ku Soo Xoogaysanayso Necbaanshaha Ay U Qabaan Muslimiinta iyo Daraasad Laga Sameeyay

US(SLpost)-Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa muujineysa farqi weyn oo u dhaxeeya dadka dimoqraadiga iyo jamhuuriga Mareykanka, taasi oo ku saabsan sida madaxweynaha xiga ee Mareykanka uu uga hadli lahaa xagjirnimada islaamiga ah.

Daraasadda oo ay sameysay xarunta daraasadka ee Pew ayaa muujineysa in 65 boqolkiiba dadka Jamhuuriga ah, ama dhankooda u janjeera ay doonayaan in madaxweynaha beddelaya Obama, uu si cad uga hadlo xagjirnimada Islaamiga ah, xittaa haddii ay taas dhib ku tahay guud ahaan Islaamka.

Si kastaba, 70 boqolkiiba dadka Dimoqraadiga ah, ama dhankooda u janjeera ayaa doonaya in madaxweynaha xiga uu si taxaddar leh uga hadlo arrintan.

Guud ahaan, bar ka mid ah dadka Mareykanka ayaan dooneyn in madaxweynaha xiga uu cambaareeyo diinta Islaamka oo idil, marka uu ka hadlayo xagjirnimada Islaamiga ah.

Daraasadda oo la sameeyey bishii tagtay ayaa lagu ogaaday in bar ka mid ah dadka Mareykanka ay aaminsan yihiin in qaar ka mid ah muslimiinta Mareykanka ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka. 11 boqolkiiba ayaa aaminsan in “Dhammaan” ama “Ku dhowaad dhammaan” dadka muslimiinta Mareykanka ah ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka.

Laba meelood saddex meel dadka Mareykanka, ayaa isku raacsan in dhibaatada ugu weyn ay tahay in diinta Islaamka ay dad rabshado jecel u adeegsanayaan inay ugu cudur daaraan ficilladooda.