Dadka Ku Barakacay Dhul Gariirkii Nepal Ayaa Loo Baqayaa Saamaynta Xanuunnada Faafa

Kathmandu, (SLpost)- Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii xooga badnaa ee dadka badani ku naf waayeen ee ka dhacay dalka Nepal ayaa looga baqayaa in xanuuno ay saameeyaan, ka dib biyo nadiif ah oo aanay haysan iyo musqulaha oo ku yar.

Jimcihii maanta ayay warbaahinta caalamku ku waramaysaa in dadka uu barakiciyay dhul-gariirku ay soo food-saartay cuno yaraan iyo biyo nadiif ah oo aanay haysa, kuwaasoo laga yaabo inay sababaan xanuunada faafa.

“Biyuhu waa adayg, urna way leeyihiin, haddana waanu ku qasbanahay inaanu cabno” Kalpana Tamang oo  ka mid ah dadka uu barakicyay dhul-gariirku ayaa u sheegtay Al Jazeera.Nepall

Dr Kishore Rana,  oo ah sarkaal ka tirsan milateriga dalka Nepal ayaa sheegay in goobaha dadku ku barakcayaan iyo adeegyada caafimaadku ay kala badan yihiin.

“Qorsheyahayagu waa in ay halkan iman karaan hawl-wadeenno caafimaad, kuwaasoo joogi kara muddo dheer oo ku siman saddex ilaa lix bilood” ayuu yidhi Dr Kishore, waxaanu intaas ku daray. “Waanu u diri doonaa hawl-wadeennadaas, meelaha ay waxyeeloobeen xarumihii caafimaad iyo cusbitaaladii.”

 

Dhul gariirka dhawaan ku dhuftay dalka Nepal ayaa gaystay khasaare nafeed oo aad u badan, waxaana ku dhintay in ka badan lix kun oo qof.

Somalilandpost.net