Dadka foqorada ah oo dalka Sudan kusoo kordhaya

Sundan (SLPOST) Bangiga adduunka ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dalka Sudan dad badan oo ku nool ay hadda ku nool heer ka hooseeya heerka faqrinimada.

povertyWarbixintaan waxaa lagu sheegay in dad aan tiro yareyn oo reer Sudan ah ay ku nool xaalad nololeed oo aad u hoosaysa qaarkoodna aaney heli karin nolol maalmeedka caadiga ah taasoo ka dhigan in kala badh dadka Sudan ay yihiin kuwo nool nolol hoose.

Agaasimaha Bangiga adduunka u qaabilsan wadamada labada Sudan iyo Soomaaliya haweeneyda la yidhaahdo Bella Bird ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay ku sheegtay in dadka dalka Sudan ku nool badankood ay wajahayaan nolol faqri ah ama hoose waxaana suurto gal ah in badankood ay macaluul u geeriyoodaan.

Haweenaydan waxaa ay xustay in magaalada caasimada ah ee Khartuum ay dadka aan waxba heysan ee ku nool ay kordheen 2,dii sannadood ee lasoo dhaafay oo ay gaadheen 25%.

Bella Bird waxaa ay hadalkeeda ku sheegtay in dawlada Sudan ay ku guul daraysatay inay wax badan ka qabato dhaqaalaha wadanka oo hoos u socda.

Bird waxaa ay sidoo kale tilmaantay in dalka Sudan lagu bad baadin karo in loo helo dhaqaale fara badan oo uu Bangiga adduunka si amaah ahaan ah u siiyo taasoo la aaminsan yahay inay wax xoogaa caawin kareyso dadka Sudan.

Hadalkan Bangiga adduunka kasoo baxay waxaa durbaba iska beeniyay wasiirka dhaqaalaha dawlada Sudan Magdi Xasan Yaasiin oo sheegay in warkaa uu yahay mid been abuur ah sababtoo ah waxaa uu leeyahay dhaqaalaha Sudan waxaa uu kordhay 0.2% haddana inuu kor  ay u socto ayuu sheegay.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dawlada Sudan ay ka mid tahay dawlada Africa ee awooda u leh inay maareeyaan caqabadaha dhaqaale ee qabsada waxaana uu intaa ku daray in xukuumadiisa aaney u dhutin doonin culeysyada dhaqaale ee xilliyadda qaar qabsada.

Dhaqaalaha Sudan ayaa la aaminsan yahay inuu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo markii Sudanta koofureed ka go’day sababtuna waxaa ay tahay 75% ceelasha shidaalka waxay mareen dhanka dalka South Sudan.

Xigasho- Sudan Tribune

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Somaliland/Hargeysa