Dadka deggan Xaafadda Geerash Aw-Aadan oo Maayerka Hargeysa ugu Baaqay inuu Go’aan ka soo saaro Dhisme Jid Laga Dhex-taagay

Hargeysa (SLpost)- Dad ka tirsan shacabka deggan Xaafadda Magaalo-Ugaaso ee Woqooyiga Hargeysa gaar ahaan Geerash Aw-Aadan ee degmada Gacan-Libaax, ayaa Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ugu baaqay inuu go’aan deg-deg ah oo sharciga waafaqsan ka soo saaro dhisme qaab sharci-darro ah looga dhex bilaabay Jid halbawle ah oo Xaafaddaasi dhex mara.

jidw2Maxamed Cabdi Cabdilaahi, Saynab Caduur Axmed, Khadra Jaamac Liban, Safiya Xasan Axmed, Saynab Axmed Cabdi, Caasha Xuseen Caraale, Ifraax Awaadan Xasan, dadkan oo dhammaantood ka tirsan dadka deggan Xaafadda Geerash-Aw-Aadan oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa eedayn u jeediyay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka ka tirsan oo ay sheegeen inuu qayb weyn oo mukhalasnimo ah ka qaatay mushkiladda dhismahan waddada laga dhex dhisayo ee ay sheegeen.

Waxay Xubnahanin Maayerka ugu baaqeen inuu go’aan geesimo leh ka qaato dhismahaas oo ay sheegeen inuu caqabad ku noqonayo dhammaan qorshihii dhisme ee Xaafaddaasi lahayd, iyagoo sheegay haddii uu hirgelo dhismahaasi inuu horseed u noqon doono guud ahaan jidadka Xaafaddaas oo dhisme laga wada jeexdo. Waxay sheegeen in sharciga dhismaha waddada laga dhex binaynayo uu mukhalas ka ahaa Xildhibaan Ismaaciil Cagayare, iyagoo intaa ku daray inuu goob-joog ka ahaa maalintii dhismahaas la yagleelayay oo uu faylkiisa hayay kana soo saxeexay Maayerka. Balse markii uu Maayerku soo eegay uu halkaa ka sheegay inuu Joomitarro u soo dirayo cabbira dhulka, isla markaana eega sharcinnimadiisa,isagoo maalintaas uu soo eegay amar ku bixiyay in dhismahaas la joojiyo.

Xubnahan ka tirsan Shacabka Xaafadda Geerash-Aw-Aadan deggan, ayaa markii dhismahaas la joojin waayay kacdoon kala hortagay ay awooddooda shacbinnimo ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin jidka halbawlaha ah ee la xidhayo iyo cawaaqib-xumada ka iman karta ee la iskaga dayan doono haddaan wax laga qaban sida ay xubnahani sheegeen. Waxay intaa ku dareen in markii dambe la keenay Ciidan Boolis ah oo qalabkii wax lagu dhisayay u qaaday dawladda hoose sida Sibidhkii iyo Agabkii kale ee la mid ka ahaaba.

jidWaxay Xubnahani Duqa Caasimadda Hargeysa oo ay sheegeen inay aad ugu kalsoon yihiin inuu tixgelin doono baaqooda, ayay u soo jeediyeen in uu tallaabo ka qaado ciddii u hawl-fududaysay ninka jidkaasi dhisanaya. Waxay warkoodan ku sheegeen in jidka dhismaha laga dhex bilaabay muddo badan xidhan yahay, isla markaana aanay u muuqan wax tallaabo ah oo illaa hadda laga qaaday lagu sii amba qaadayo sidii dhismahaas looga qaadi lahaa jidka u xidhan, balse ay sugayaan inta go’aan sharci lagu fulinayo dhismahaas.

Si kastaba ha noqotee waxaa muddooyinka danbe si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa qorshe la’aan u badan jidad la’aan, iyadoo Xaafado badan oo ka mid ah magaalada Hargeysa aan loo dhex mari karin jidad la’aan, iyadoo aad arkayso dad deggan waddo badhtankeed oo sharci uga soo goystay dawladda Hoose taasina ay nasiib-xumo ku tahay guud ahaan qaabkii Magaalaynta ee Caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET