“Dadbaa odhan jiray arimaha dhulka Somaliland waa aafo qaran, maaha aafo qaran ee waa aafo maamul..” Cabdiraxmaan Cadami

 

Hargeysa(SLpost)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa muranka dhulka ee soo noqnoqda dhabarka u saaray maamul xumo jirta iyo in dadka dhulka boobayaa ay taageero ka haystaan xukuumadda, waxaanu ugu baaqay madaxweynaha inay dhab ka noqoto inuu xal u raadinayo arimaha dhulka.

 

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Dhibaatooyinka dhulka iyo khasaaraha ay keenaan waxa masuul ka ah maamulka ama maamulkaasi ha sareeyo ama ha hooseeyo, qof shacab ah hanti qaran ma boobi karo oo dhul aanu lahayn ma sheegan karo hadaanu taageero ka haysan haayadaha fulinta, hadaanay qaarkood shuraako kula ahyan dhul boobka iyo waxa uu sheeganaayo, dadbaa odhan jiray arimaha dhulka Somaliland waa aafo qaran maaha aafo qaran ee waa aafo maamul, cida xun waxa kula shuraako ah cidii qaban lahayd oo ah haayadaha fulinta ee dawlada, xalka waxaan u arkaa madaxweynuu dhab ha ka noqoto inuu xal u doonayo dhulka.”