Dad Tahriib ah Ayaa Ku Dhintey Xeebaha Yemen

Yamen(SLPOST)War ka soo baxay masuuliyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaadaya ugu yaraan 40 qof oo tahriib ah in ay ku dhinteen xeebaha Yemen, Dadkaas ayaa ahaa kuwo tahriib ah, waxaa la degtey doontii yarayd ee ay saarnaayeen, maalinti shalay ee Axadda.

tahriibayaal-6

Wasaaradda Gaashaandhiga Yemen ayaa sheegtey in ay badbaadiyeen dad gaaraya 30 qof oo kamid ahaa dadki saarnaa doontaas.Shilkua ayaa ka dhacay xeebta Bi’ri Cali ee Koonfurta Yemen.

Hay’adda Socdaalka ee IOM ayaa sheegaysa in dad badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay tahriib ku tagaan dalka Yemen, kuwaas oo qaarkood uga gudbaan dalka Sucuudiga, in badan oo kamid ah dadkaas ayaa naftooda ku waaya muddada ay safarka halista ah ku jiraan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/somaliland