Dad Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Duqeynta Sucuudigu Ka Wado Yemen

Cadan, (SLpost)- Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa lagu soo War-ramayaa in ay duqeyn diyaaradaha Sucuudiga ay ka geysteen ay ku dhinteen dad Soomaali ah.Yemen

Gantaal ayaa la sheegay inuu ku dhacay guri ay ku sugnaayeen dad Soomaali ah oo aad u badan, waxaana halkaas ku dhintay 6-qof oo ka mid ah, sida ay saxaafadda u sheegeen dadkii ka badbaaday duqeynta.

Sidoo kale, waxa jira dad ku dhaawacmay Weerarkaas, waxaana halka duqeynta ay ka dhacday la sheegay inay ku dhawaayeen kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Yemen.

“Gantaal ayaa ku dhacay guriga ay ku sugnaayeen dadka Soomaalida ahi, waxaana meesha ku dhintay lix ka mid ah dadkii Soomaalida ahaa, tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay,” ayuu yidhi goobjooge ku sugan magaalada Cadan.

Dhinaca kale, dadka Soomaali ah oo badan ayaa waxay weli ku xayiran yihiin magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Yemen, iyadoo dadkan ay qaar ka mid ahi ay sheegeen inay doonayaan inay tagaan dalkooda.