Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Canada

Canada(SLpost)-Booliska dalka Canada waxa ay sheegayaan in afar qof lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Saskatchewan ee bartamaha dalkaasi.

Warar hordhac ah waxa ay sheegayeen in qof shanaad uu ku dhintay weerarka.

Nin laga shakisan yahay ayaa laga qabtay bannaanka iskuulka La Loche, halkaasi oo ah meesha toogashada ay ka dhacday.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay baarayaan dhacdo kale oo ka dhacday deegaan ay qiyaastii ku nool yihiin seddax kun oo qof.

Weerarka iskuulka laba qof oo kale ayaa sidaran ugu dhaawacantay.

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa waxa uu geerida ku sheegay inay tahay dhibaato waalidiinta murugo ku reebtay.

Toogashada noocaan ah aad bay Canada ugu yartahay, halkaasi oo shuruucda hubka ay aad uga adag yihiin marka la barbardhigo Mareykanka.