Dad Ka Mid Ah Yuhuuda Yaman Oo Si Qarsoodi Ah Dalkaas Looga Daad Gureeyay

Yaman(SLpost)-Qaar ka mid ah yuhuudii ugu dambaysay ee ku sugnayd dalka Yemen oo uu dagaal ka jiro ayaa si qarsoodi ah loogu sii qaaday Israa’iil.
yuhuuda yaman
Hay’adda Jewish Agency ayaa hawshaasi gacan ka gaysatay.Hay’addaasi Israa’iil laga leeyahay ee gargaarka ayaa sheegtay in ay Israa’iil geeyeen sagaal iyo toban ruux oo ka mid ah dadkii u dambeeyay ee Yemeniyiin asalkoodu Yuhuud yahay ah..
Hay’addaasi Yuhuuda ee Jewish Agency ayaa Isniintan sheegtay in Yuhuudaas yamaniyiinta ah ay Israa’iil geeyeen maalmihii u dambeeyay. Hay’addani waxay si dhaw ula shaqaysaa dawladda Israa’iil waxayna matashaa isku xirka Yuhuudda adduunka ku nool.
Kooxdaasi waxay sheegeen in Yuhuudaasi reer Yemen lagu sii qaaday hawlgal aad u adag oo qarsoodi ah.Muuqaal baahiyaha ama TV-ga Israa’iil ee Channel 2 ayaa tabiyay in Maraykanku uu qayb ka ahaa hawlgalkaasi.Yemen iyo Israa’iil malaha wax calaaqaad ah oo dublamaasiyadeed.
Hay’adda Yuhuudda ee Jewish Agency waxay sheegtay in weerarada nacaybka ku salaysan iyo dagaalka sokeeye uu halis galiyay Yuhuudda Yemen.Ilaa 50,000 oo Yuhuud ah ayaa Yemen ka tagay oo Israa’iil aaday tan iyo sanadkii 1949-kii.
Hay’addaasi waxay sheegtay in Kontonkii Yuhuud ee ugu dambeeyay ee dalkaasi Yaman ku sugan ay doorteen in ay dalkaasi sii joogaan