Dad Gadoodsan Oo Joojiyay Xaafada Hindiyaanlaynka Wado Nin Ganacsade Ah Xidhanaayay

 

Hargeysa(SLpost)-Dad shacab ah ayaa ka gadooday wado laga xidhaayay xaafada Hindiyaanlaynka ee magaaladda Hareysa.

10632757_10207465974792656_5891968784222105552_n11987074_10207465975632677_7798370208344947730_n 11225433_10207466109836032_8414135081069008693_n

Ganacsadaha qaadka ku caanka ah ee Ina Afdiine ayaa lagu soo warmayaa inuu wadadan oo ay isticmaali jireen xaafado iyo danyar u badan ku soo durkiyay dhisme uu aagaas ka dhisanaayay, ciidanka booliska ayaa goobtaas isku gadaamay waxaana inta badan lagu eedaynaayay inay wasaarada hawlaha guud iyo dawlada hoose oo ganacsadahan ogolaahanshaha soo siiyay ay ka difaacayeen dadka xaafada degan ee arinka ka soo horjeestay.

dadka degan xaafada Hindiyaanlaynka ayaa ugu danbayntii ku guulaystay inay joojiyaan in aan wadadaas la xidhin, waxaan goobtaas ka dareeray shaqaalihii loogu talogalay inay dhismahaas sameeyaan.