Dad argagixisanimo looga shakiyay oo lagu xiray Paris iyo Brussels

Booliska dalka Faransiiska ayaa woqooyi galbeed magaalada Paris ka fuliyay hawlgal ka dhan ah argagixisada kaddib markii ay soo qabteen nin lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah Faransiiska.

paris1

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay in la fashiliyay qorshe gaba-gabo ku dhawaa oo weerar lagu geysan rabay kaddib markii la qabtay ninkaasi.

Cazeneuve ayaa intaasi kud aray in arrintaasi ay tahay tallaabo horey loo qaaday basle ilaa haatan cadddeymo muujinaya in qorshahaasi uu xidhiidh la lahaa weerarkii Novbember ka dhacay Paris iyo kii maalmo ka hor ka dhacay Brussels.

Dhanka kale, Saraakiisha dalka Beljamka ayaa sheegaya in gudaha caasimadda Brussels ay ku xireen lix qof, labo maalmood uun kaddib markii kooxo jihaad doon ah ay in ka badan 30 qof ku dileen weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo maxaddada tareenka ee magaaladaasi.