“Dacwadda Xisbiga Waddani aannu ka gudbinnay hadday Maxkamaddu Go’aan ka soo saari weydo…” – Prof Geedoole

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay inay Maxkamadda sare u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Hoggaanka Xisbiga Waddani, Waxaanu Sharci-darro ku tilmaamay Saxeexa Xoghayaha guud ee Xisbigaas.

Prof Geedoole oo maanta Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal ku waraystay Barnaamijka Xog-wadaag ee ka baxa Telefeshinka Baddacas24, waxa uu sheegay inay Siyaasiyiinta Garabka Badbaadada Waddani la baxay ee uu ka midka yahay samaysan doonaan Shirweyne haddii ay Maxkamaddu go’aan degdeg ah soo saari weydo, isla markaana ay furan doonaan Xafiisyada gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee ay ku metelayaan Xisbiga, sida uu ku dooday.

Geedoole waxa uu sheegay inay ku qanci doonaan qaraarka ay Maxkamaddu soo saarto, haddii uu ka farxiyo iyo haddii uu ka nixiyaba, maaddaama oo ay markasta sharci u ayidsan yihiin go’aanka Maxkamadda sare ee dalka, waxa uu naqdiyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo 29-ka bishan ka furmi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.