Dacwad u dhaxaysa Hoggaanka Sare ee Xisbiga UDUB oo maanta ka furantay Maxkamadda Sare ee Somaliland

[H]argeysa (SLpost)- Waxa maanta Maxkamadda Sare ee Somaliland ka bilaabmay kiis loogu garsoorayo laba garab oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, taas oo salka ku haysa khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee Xisbigan talada dalka hore uga arrimin jiray.

Dhegaysiga Dacwadda kiiskan oo fadhigeeda uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa Salka ku haya khilaaf kala irdheeyey hoggaanka iyo xubnaha Xisbiga UDUB kadib markii la isku maandhaafay xubnaha mushraxnimada xisbiga u meteli doona Doorashooyinka soo socda.

Dhagaysiga dacwaddan oo socday mudo ka badan Shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa ku bilaabantay jewi degan isla markaana ku soo gebo gabowday hab xasilooni iyo sareexadi ku dheehan tahay,iyadoo dhagaysiga dacwadan ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socday labada dhinac ee khilaafka sharci u dhexeeyo oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Udub Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu maxkamada u gudbiyay dacwadan.

Intaas ka dib waxay Maxkamadu si toos ah u gudo gashay dhagaysiga dacwaddan, Dood dheer iyo su’aalo badan oo ay isweydaarsadeen labada garyaqaan ee u kala doodaya dhinacyada is haya oo qolo waliba dhinaceeda u soo bandhigtay aragtiyo marag u noqda doodooda , iyo go’aano hore oo ay isula gaadheen, ayaa gabo gabadii fadhigaas waxa uu guddoomiyaha Maxakamadda sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali shaaciyey in sida ugu dhakhsaha badan ay maxakamaddu go’aan uga soo saarayso khilaafka ka dhex aloosan xisbiga Udub.

Dhagaysiga dacwadu markii uu soo xidhmay ayaa labada dhinac ee Khilaafkani soo kala dhex galay waxay warbaahinta uga warameen dareenkooda ku aadan dacwadan uga bilaabantay maxkamada sare, Abiib Xasan Filfil oo taageersan garabka Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub ayaa sheegay in Qadiyada muranka keentay ay hortaalo maxkamada isla markaana ay sugayaan go’aanka ay ka soo saarto oo aanay ka hor dhacayn natiijadiisa.

Sidoo kale Cali Maxamed Warancade oo ka socday garabka uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Udub ayaa dhiniciisa sheegay inay soo dhawaynayaan Go’aan kasta oo xaq ah oo ka soo baxa Maxkamada Sare.

Maaha markii ugu horreysay ee Kiis noocan oo kale loogu garnaqo Maxkamadda Sare ee Somaliland, balse waxa ay ahayd dabayaaqada sannadkii hore oo maxkamadda Sare u garsoortay Masuuliyiintii ugu sarraysay Xisbiga UCID oo khilaaf ba’an u dhexeeyey, balse muddo ka dib ay maxkamaddu qaraar garsoor oo dhinac loogu xukumay ku soo gebo-gabaysay dacwaddaas.

Wakhitgan, waxa maxkamadda Sare laga sugayaa inay maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo go’aan sharci oo la filayo inuu kala saari doona dhinacyada Khilaafku u dhexeeyo ee xisbiga UDUB.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net