Dacwad salka ku haysa Been-Abuur Heshiisyada Shidaal-Baadhista dalka ah Oo Ka Socota Maxkamadda Gobolka Maroodijeex

Xogo muujinaya cida dacwadu ku socoto iyo waxyaabaha ay salka ku hayaan eedaha maxkamadda loo gudbiyey

Hargeysa (SLpost) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa bilwaday dhegeysiga dacwad ciqaab ah (criminal case) oo xeer-ilaalintu ku soo oogtay   Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin Gabayxadi, kaasoo masuul ka ah shirkad lagu magacaabo Minsom Assets.

Somaliland-Oil-BlocksSida ilo-wareeedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya shalay, masuulkan ayaa lagu eedeeyey inuu qaab been abuur ah u sheegtay in shirkadiisa Minsom Assets ay saami dhan 2% ku leedahay balooga Oodweyne (Oodweyne block), isla markaana ay dhukumanti arrintaas la xidhiidha u gudbiyeen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta u gudbisay dukumanti arrintaas muujinaya.

Xogaha la helay ayaa tibaaxay in Maxkamaddu guda gashay dhegeysiga dacwadan maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 9 October 2014, kadib markii xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ku oogay Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin eedo la xidhiidha been-abuur (forgery) ku sameeyay dukomentiyo khuseeya heshiisyada shidaal baadhista ee Balooga Odweyne ee bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxkamadda Gobolka ayaa hore u xidhay Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin, kadib markii ay sidaa ka codsatay Qaybta Baadhista Dambiyada si loogu soo oogo dacwadda uu ku eedaysan yahay eek u qotoma been-abuurka dhukumantiyo kala duwan oo la xidhiidha goobaha shidaalka laga baadhayo.

Dhegeysiga dacwadan ayaa ah mid dadweynaha u furan, isla markaana waxa la filayaa in fadhiyada dambe ee Maxkamaddu maalmaha soo socda halkaa ka sii socon doonaan.

Waa markii ugu horreysay ee Maxkamadaha dalka la hor keeno dacwad la xidhiidha eedayn been-abuur lagu sameeyay arrimo ku saabsan heshiisyada shidaal baadhista ee Somaliland kula jirto shirkadaha caalamiga ah.