Dacwad ka Dhalatay Sawir uu Danyeer Iska Qaaday oo aan Lagu Xusin Buug Lagu Daabacay iyo Go’aanka Laga Gaadhay

Garsoore u dhashay dalka Maraykanka, ayaa go’aan ka gaadhay dacwad ay keeneen koox xuquuqda xayawaanka u dooda oo la yidhaa PETA, kuwasaoo metelaayey daanyeer sawir kur ah iska qaaday oo aan la xusin inuu isagu leeyahay, waxaannu go’aamiyey in aanu xuquuq maskaxda iyo qoraalka (copy right) yeelan karin xayawaanka, maadaama aanu ahayn bani’aadam.

Kooxda xuquuqda xayawaanka u dooda e PETA (People for the Ethical Treatment of Animals) waxa ay kiiskan maxkamada keeneen September 2015, kadib markii danyeer 7 jir ah oo la yidhaa Naruto uu sawirqaade British u dhashay sawir uu danyeerku iska qaaday uu ku daabacay buug lagu kaydiyo sawirada xayawaanka (Wildlife book) isagoo aan xusin danyeerku inuu iska qaaday.

Danyeerka Naruto oo lagu xannaaneeyo dala Indoniisiya ayaa sawirkan iyo kuwo kale oo badan iska qaaday 2011-kii , isagoo isticmaalay kamar uu lahaa sawir-qaade la yidhaa Slater sida dacwada lagu caddeeyey.

Kooxda PETA, ayaa doonaayey in sawirka lagu xuso danyeerka, isla markaana la siiyo mag-dhaw xaqa hanta maskaxeedka lagaga xad-gudbay ah, iyagoo doonaayey in ay noqoto sharci aan laga leexan mustaqbalka oo xayawaanka xuquuqdooda lagu.

Inkastoo dalka Maraykanka ay barlamaanka iyo Madaxweynuhu leeyihiin awoodda ah in la kordhiyo ilaalinta xuquuqda xayawaanka.

Geesta kale, Garsoore Maxkamada Degmo oo la yidhaa William Orrick, ayaa sheegay in aan xayawaanku xuquuqda qoraalka iyo maskaxda lahayn (copy right).

“Ma jiro wax tilmaamaaya in ay ku jirto arrintan xeerka Copyright Act xaquuq qalinka,” ayuu idhi Garsooruhu, balse waxa uu intaa ku daray inuu kooxda PETA siin doono fursad ay wax kaga beddelaan hab dacwadeedkooda, waannu ku cceliyey.

Qareenka Guud ee kooxdan Mr. JeffKerr, ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters khamiistii toddobaadkan in kooxda ay dib-u-eegis ku samaynayaan dacwadooda, waxaannu yidhi; “Inkastoo aannu niyad-jabnay, haddana waxa aanu u dabbaaldgayna xaqiiqada ah in kiiskan noqday mid taariikhda gala. Waa markii ugu horraysay ee aan ku doodno in xayawaanku leeyihiin xuquuq hantiyoodkooda,” ayuu yidhi qareenku.

“Dacwada daanyeerku maaha sharci fiican,” ayuu yidhi garsooraha dacwadan ka garnaqaayey.

Xigasho Maankaab