Dabley Hubaysan oo Weerar ku qaadday Saldhigga Booliska Boorama iyo tirada Rag la qab-qabtay

Boorama (SLpost)- Dabley aan la aqoonsan oo ku hubaysan hubka noocayadii kala duwan, ayaa Saqdii Dhexe ee Jicmihii Xalay weerar ku qaaday saldhigga Booliska ee magaalada Boorama.

Dhawaaqa iyo Dayanka Rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa Saqdii Dhexe laga maqlay gudaha magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, taas oo hurdada ka kicisay inta badan dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan nawaaxiga Saldhigga booliska ee magaalada Boorama.

Boorama-00Ilaa hadda ma jiro war sugan oo ka soo baxay maamulka heer gobol ama degmo iyo ciidamada Ammaanka oo ku saabsan cidda ay yihiin kooxaha weerarka ku qaaday saldhigga booliska iyo khasaaraha ka dhashay, haseyeeshee sida ay Somalilandpost u sheegeen dhowr qof oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, koox Dablayda ah oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa weerar ku hujuum ah ku qaaday Saldhigga Booliska ee magaalada, isla markaana ay dhawaaqa rasaastu sii xoogaysatay kaddib markii ay ciidamada Boolisku u jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

“ILaa kowdii bay saacaddu ku beegnayd markaanu maqallay guuxa xabad aan is-idhi qoryo waaweynbaa laga ridayey, markiiba waxaan gartay inay ka dhacayso xagga saldhigga dhexe, laakiin markii dambe way sii xoogaysatay,” sidaas waxa yidhi nin magaciisa aanu ku soo koobnay Cabdirashiid oo khadka telefonka ugu warramay weriye ka tirsan Somalilandpost.

Warku waxa uu intaas ku daray in ciidamada booliska iyo kooxda Dableyda ahi in muddo ah is-weydaarsanayeen rasaasta oo dadweynaha caasimadda gobolka Awdal hurdada ka kicisay, isla markaana ay markii dambe baxsadeen kooxdii Dableyda ahayd.

Warar aan la xaqiijin jirtaankooda, ayaa sheegaya in ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen laba ka mid ah Kooxda Dableyda ah.

Dhinaca kale, maamulka gobolka iyo degmada oo aanu kala xidhiidhnay telefoonnadooda gacanta, ayaa noo suurta-galin inaanu helo, kaddib markii ay telefoonadooda naga qaban-waayeen, maadaama oo ay xilli dambe ahayd.

Weerarka xalay lagu soo qaaday saldhigga booliska ee Boorama, ayaa ku soo beegmaya iyada oo duleedka magaalada Boorama uu ka socdo shir-weyne ay isugu yimaaddeen Beelaha Samaroon, kaas oo noqonaya shirkii ugu horreyey ee beelahaasi isugu yimaaddaan.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha…………..

SOMALILANDPOST.NET