Dabley Aan Haybtooda la Aqoonsan oo Caawa Nin ku Dilay Badhtamaha magaalada Burco

Burco (SLpost)- Koox Dabley oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa caawa abbaaro 8:30-kii Cawaysnimo badhtamaha Burco ku dilay Marxuum magaalada qariib ku ahaa.

breaking-newsMarxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Cabdisamad Carte (Dhako) oo Xirfadda Dillaalnimada kaga shaqayn jiray Sayladda Xoolaha ee magaalada Burco, ayaa koox dabley ah oo baaskoolado ku hubaysan u galeen jidka isaga oo ku sii jeeda Guriga uu magaalada ka galo, waxaana la sheegay in madaxa dhowr xabbadood madaxa lagaga dhuftay, isla markaana uu isla goobtaas naftu kaga baxday.

“Marxuum oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Cabdisamad Carte oo lagu naaneysi jiray Dhako. 8:30kii Fiidnimo isaga oo maraya Iskuulka Qasabka ayaa baaskoolad madaxa lagaga dhuftay. Waxa la ii sheegay inuu magaalada Joogay todoba bilood,” sidaa waxa shabakadda Somaliland u sheegay qof ku sugan magaalada Burco.

Dableyda dilka geystay oo markii ay hawl-galka fuliyeen ka baxsaday goobta, ayaan xaqiijin karin sababtay ay u beegsadeen ninkan oo magaalada Burco ku sugnaa muddo todoba bilood ah, isaga oo markii hore la sheegay inuu ka yimi dhinaca degmada Dhagax-buur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada ammaanka magaalada Burco, ayaa isla markiiba gaadhay goobta dilku ka dhacay, iyaga oo bilaabay baadhitaanno ay ku raadinayaan cidda dilka fulisay.

Somalilandpost.net