Dabargoynta Gaajada: Yoolka Labaad ee Horumarka Aduunka 15ka Sano ee soo socda

 

 

Yoolkan labaad ee hiigsiga caalamka oo ka mid ah 17ka yool ee ay soo saartey qaramada midoobay 27kii bishii 9aalaad ee sannadkan 2015ka oo ahaa helitaanka koritaan iyo horumar sugan oo Aduunyadu gaadho sannadda 2030ka ayaa ah  dabar goynta saboolnimada, iyadoo looga golleeyahay xaqiijinta sugnaanshaha cunto iyadoo la beegsanaayo sugnaanshaha wax soo saarka Beeraha. wuxuu leeyahay yoolkani 8 bartilmaamood oo la rabo in la gaadho si loo hubiyo xaqiijinta gaadhitaanka yoolkan, waxaanay kala yihiin:

Dhammaadka 2030ka waa in la dabar jaro gaajada iyadoo la hubinaayo in dhammaan dadka hadda saboolka ah iyo kuwa nuguliba helaan cunto ku filan oo nafaqo ahaanna isu dheelitiran sannadka oo dhan.

2030ka waa in laga qalinjebiyaa noocyada nafaqo darrada oo dhan iyadoo la beegsanaayo dhamaadka 2025kana bartilmaameedkii caalamiga ahaa ee yareynta caruurta  da’doodu 5ta sano ka yartahay ee u dhimata nafaqo darradda iyadoo loo maraayo xoojinta nafaqada hooyada uurka leh iyo ta nuujinaysa iyo weliba dadka da’da ah.

dhammaadka 2030 waa in la laba jibbaaro waxsoosaarka beeraha siiba dakhliga dadka leh beeraha yaryar, gaar ahaan Dumarka, xoolo dhaqatada iyo kalluumaysatada iyadoo la xaqiijinaayo helitaanka iyo u sinnaanta lahaanshaha dhulka, maalgelinta iyo daymaha ku habboon dadka saboolka ah.

waa in dhammaadka 2030ka la meeleeyo koritaanka wax soo saarka beeraha iyadoo la dhisaayo awoodda iyo u adkeysiga beeralayda is bedelka iyo doorsoonka cimilada; sida daadadka xad dhaafka ah iyo masiibooyinka kale ee caqabadda ku ah horumarinta dhul beereedka iyo tayada carrada.

Wixii loo gaadho 2020ka waa in la gaadho joogteynta kala duwanaanta hiddaha ee abuurto midhaha, dhirta, iyo xoolaha iyo sidoo kale degel joogta (xayawaanka rabbaysan), iyadoo loo maraayo abuur si wanaagsan loo maamuley oo heer qaran, heer gobol iyo heer caalamiba ah, loona sinaado faa’iidada abuurka hiddaha san ee midhaha iyo xoolaha sida caalamku ku heshiiyey

in la kordhiyo maalgashiga ama maalgelinta wax soo saarka iyadoo loo maraayo isu kaashiga caalamka ee horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee baadiyaha, cilmi baadhista beeraha iyo horumarinta tiknolojiyadda si loo keydiyo hiddo sidaha xoolaha iyo dhirta (DNA); si ay qayb uga qaadato horumarinta kartida wax soo saarka beeraha ee wadamada soo koraaya; iyo gaar ahaan kuwa horumarkoodu luudaayo (liito).

Waa in la saxaa, lana hagaajiyaa caqabadaha ganacsi ee haysta wax soo saarka caalamka, iyadoo sidoo kale meesha laga saarayo, dhamaan noocyada kabitaanka dhaqaale ee ay wadama horumary ku kabaan beeraleydooda si ay suuqa u soo geliyaan badeecad jaban oo tartami karta, waana in meesha laga saaraa arrintaa si ay u sinnaadaan beeraleyda caalamku, fursadna u helaan beeralayda wadama soo korayaa, sidii lagu heshiiyey shirkii Dooxa (Qadar) ee 2001dii

waa in la meel mariyaa qawaaniin lagu hubinaayo u sinaanta badeecadaha ee suuqyada caalamka, iyadoo la fududeynaayo usinaanta xogta suuqa; iyo in  la dhiiriyo keydinta cuntada si loo yareeyo sare u kaca qiimaha cuntada ee caalamka.

 

Waxaa turjumay oo isku howlay

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com

+252 63 4009009