DABAALDEGA 18KA MAY WAA LABALAAB – W/Q: Maxamed Cali

Laba arimoodba waa in la xusaa; Somaliland oo la soo noqotay dowladnimadeedii laga afduubay iyo iyada oo lagu sii xuujiyay diidmo qayaxan – Dhiibimayno Somaliland. Waxaa la wada ogsoonyahay in Somaliland gobanimadeeda qaadatay June 26keedii, 1960kii, laakiin la afdoobay afar cisho dabadeed, July 1deedii, 1960kii, iyada oo an wax gorgortan ah lala gelin Somaalida Konforeed. Hadii siyaasiintii waqtigaas afduubay Somaliland ay maanta joogilahaayeen ama cidi ka nooshahay waxay  garowsan lahaayeen oo maanta isku ciilkaanbiyi lahaayeen oo ay raali ka bixin lahaayeen danbigii ay ka galeen Somaliland. Waayo, laguma arag, lagumana  hayo aduunka laba wadan oo isku biiray oo an xeer kala quran. Waxay ka dhigeen Somaliland wadan isdhiibay oo xuug lagu muquunshay.

Isdhiibidaasi waxay keentay ixtiraam la’aan, qadarin la’aan, quudhsi, kufsi, dhimasho,  hanti boob, xuquuq la’aan, cadaalad la’aan, iyo in Somaliland oo noqotay wadan la hasyto. Intii ka horeysay 1960kii ee go’maysigu haystay Somaliland lama arag lamina maqal dhibaato la  mid ah ama u dhow tan soo maraty waqtiyadii ka dambeeyey 1960kii. Nimanka ogolaaday in Somalialand oo wadan ah laga dhigo Gobolka Waqooyi waxay dhaxalsiiyeen Somaliland Gumasigii ugu xumaa ee abidkeed soo mara.

Hadaba waxa ixtiraam iyo xusidba mudan dadkii xureeyey Somaliland ee u soo celiyey gobanimadii iyo xuquuqdii ay lahayd. Waxa kale oo iyaguna xusid mudan kuwa xukunka maanta haya ee diiday mu’aamaraadka loo maleegaayey Somaliland ee la doonaayey in gumaysigii dib loogu celiyo. Waxa markhaati madoon ah in Somaliland maanta waqti kasta oo soo maray ay ka fiicantahay. Waxa kale oo in la ogaado ah in dadka reer Somaliland faraq badan u dhaxeynin ee ay u baahan yihiin in si miisaaman wax loo qaybsado oo laga baxo langadhaynta. Qof kasta oo Somaliland ka mid ihi uu ogyahay in Somalida Konforeed ayna waligood dagynin sababtoo ah qabiilakastiba waxay rabtaa in ay iyadu somaaloodhan maamusho. Waxa in la iswaydiiya ah, maxay Somaliland ka ahayd Somalia?  Waxay ka ahayd dhibic biyo ah oo ku dhacday badwayn waayo wadan ahaan looma xeerin, waxa laga dhigay Gobol Waqooyi.  Hadda waxa Konfor lagu kari laayahay in la isku horfadhiisto Somalia iyo Somaliland oo laga wada hadalo mustaqbal Somaliyeed.  Maanta shalay maaha, shalyna maanta maaha. Shalay taariikhbay noqotay, maantana dowlad baa jirta, barinna lama hubo. Ummada reer Somaliland midho gacantooda ku jira in ay u tuuraan kuwa geed saaran maaha.  Caqliga wanaagsani wuxuu sheegayaa in reer Somaliland adkeeyaan xuriyadooda oo ay miisaan laga wada raaliyahay ku dhisaan. Ilaahay misaanka iyo sinaanta aadbuu ugu adkeeyey umadiisa.  Dowladnimada, xuriyada, nabada, iyo dimoqraadiyado kuma timaado misaan la’aan iyo wadjir la’aan.

Hadal wuxuu ku dhan gooni u joog Somaliland wax u dhaami majiro.  Dowladu way dadaashay markii ay tidhi kuma noqonayno Somalia, hase yeeshe, howluhu ma dhadhawa.  In kasta oo heshiis ka dheeryahay Konforta Somalia kudaheeda, haddana geed sare iyo ku hoosaba waa loo soo fuuli doonaa Somaliland. Shisheeye iyo sukeeyaba waa loo soo mari doona. Waxa markaas qof kasta oo Somaliland ka mid ah ku waajiba in u iswaydiiyo wixii horey u seegay iyo waxa seegi doona iyo heerka u maanta joogo iyo heerkii shalay. Somaliland jiritaankeedo kuma xidhna oo kaliya in la diido in lagu noqdo qaladkii hore iyo in laga raadiyo aqoonsi debeda, laakiin waxa  ugu horeeya oo lagama maarmaan ah in lagu sii dadaalo wadajir, cadaalad, nabadoo la adkeeyo, dowlad iyo baarlaman miisaaman, iyo wada tashi.

 

By: Mohammed Ali Muuse ( CANADA )