Dabaaldagyadii Sandka Cusub Ee Dalalka Biljamka,Faransiiska iyo Ruushka Oo Baqdini Saamaysay

Hargeysa(SLpoat)-Booliska dalka Belgium ayaa su’aalo weydiinaya lix qof oo dheeraad ah, kuwaasi oo lagu tuhmay in ay qorsheynayeen weerarro ay ka fuliyaan caasimadda Brussels inta lagu gudajiro dabaaldega sanadka cusub.

Dacwad oogayaha qaranka Belgium ayaa sidoo kale kordhiyay muddada ay xirnaanayaan laba nin oo la qabtay Talaadadii.

Waxaa la joojiyay dabaaldedyada rasmiga ah ee sanadka cusub looga soo dhaweynayo caasimadda Brussels, ayada oo la adkeeyay ammaanka caasimaddo badan oo ku yaalla Yurub.

Caasimadda Paris-na waxaa la mamnuucay dabridka marka uu dhasho sanadka cusub, balse dadweynaha ayaa loo ogolaaday in ay isugu soo baxaan fagaaraha weyn ee Champs Elysées.

Caasimadda Ruushka ee Moscow, waxaa dadweynaha laga xiray fagaaraha Red Square.

Booliska Turkigana waxa uu qabtay laba qof oo looga shakisan yahay in ay maleegayeen weerarro bilowga sanadka cusub ka dhaca caasimadda Ankara.