Dab Qabsaday Dhisme Dheer oo Ku Yaal Dubai oo Lagu Qaban Lahaa Xaflada Soo Dhawaynta Sanadka Cusub

Dubai(SLpost)-Dab weyn ayaa waxa uu qabsaday hoteel dheer oo ku yaal badhtamaha magaalada Dubai una dhaw dhismaha ugu dheer adduunka ee Burj Khaliifa.

Waxaa la arkayay wax gubanaya oo ka soo dhacaya dhismaha oo uu dhirirkiisu yahay 300 oo mitir.

Dhismahan oo lagu magacaabo The Address ayaa waxaa gaadhay kooxaha dabdamiska, lama oga in ay jiraan iyo in kale wax kharaase oo halkaasi ka dhashay.

Dabkan ayaa kacay waxyar un ka hor xaflad weyn oo ka dhici laheyd dhismaha Burj Khaliifa oo lagu ridi lahaa baaruudda rashka oo lagu soo dhaweynayo sanadka cusub.

Dad fara badan oo doonayay in ay daawadaan bandhigga ayaa laga codsaday in ay goobta isaga tagaan.

Dabka ayaa u muuqda in uu qabsaday inta badan dhismahaasi oo ka kooban in ka badan 60 dabaq, islamarkaana ah hoteel heersare ah oo sidoo kalana leh qeyba gaar ah oo ay dadku degaan.

Ilaa iyo hadda ma ay jiraan wax muujiya waxa uu dabkan ka dhashay. Dowladda Dubai ayaa twitterka soo dhigtay in dabka uu ka kacay dabaqa 20-aad.