DAAWO:Madaxweynaha Somaliland Oo la Kulmay Sarkaalka QM u qaabilsan Horumarinta iyo Xuquuqul insaanka

Hargaysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Xaga Horumarka iyo Bini’aadanimada ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Philippe Lazzarini.Sarkaalkan oo shalay ka mid ahaa wufuud Somaliland u timid sidii loo qiimayn lahaa iskaashiga Somaliland, qaadhaan bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha iyo Sarkaalkani waxay ka wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
weftiga QM
Wasiirku waxa uu sheegay inay u gudbiyeen qarrammadda midoobay aragtidooda la xidhiidha maamulka hawada sare oo uu tilmaamay in Soomaaliya ka baxday heshiiskii arrintaasi ay sida wada jirka ah uga wada gaadheen.

Halkan ka Daawo

Somalilandpost.net

Hargaysa