DAAWO+Dhegeyso: Xarunta Derbi-jiifka Maxamed Mooge oo Ka Nasan Weyday Wasiirka Shaqada+Maamulka xaruntaas oo Qaylo dhaan u Dirtay Hoggaanka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Madaxa xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka Darbi jiifka ee Mustaqbal oo ku taalla Xaafadda Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa Haldoor-Luul Xasan Mataan ayaa si adag uga cabatay hagardaamooyin iyo camaajurayn joogto ah oo uu wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ku hayo xaruntaasi.

goobta (4)Maamo Luul oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta darbi jiifka lagu xanaaneeyo ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay xarunta ay gacanta ku hayso ee mustaqbal ka nasan la’dahay Haddidaado kaga imanaya wasiirka wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre Garaad.

goobta (5)Maamo oo ka hadlaysa gardarrada uu wasiirku hayo ayaa tidhi, “ waxa jira haddidaad iyo Gardarro joogto ah oo xaruntan kaga imanaysa wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Garaad oo markasta oo aan meesha ka tago isagoo xiimaya carruurta ka sasinaya oo Baadhaya xarunta Gudaheeda, arrintanina Sagaalkii bilood ee uu garaad wasiirka ahaaba waa ay socotay, wuuse isasoo tarayey marar raashinka caruurta la gooyana way jirtey imikana meesha lahaan shaheeda ayuu sheeganayaa, “

goobta (3)Maamo luul waxa kale oo ay sheegtay in wasiirku dagaalka uu ku hayo xaruntan lagu xanaaneeyo ubadka aan cidna lahayn ee derbi jiifka ahi uu gaadhay heer uu goosto shidaalkii xarunta iyo lacag ay qaadan jireen dumar karisooyin ahi, waxana ay tidhi, “Raashinka miisaaniyadda qaranka ugu jirtaa waa 0.6, mana aha wax qarsoon, waxa uu jaray toban litir oo shidaal ah oo wasiir ilhaan noo qortay wuu naga jaray wasiir garaad, saddex dumar ah oo uu wax yar siin jireyna wuu naga joojiyey, Haatana waxa uu na saaray cadaadis dheeraad ah iyo in mar walba ciidanka meesha jooga loogu hanjabo in la beddelayo oo meesha laga kaxaynayo”

goobta (2)Waxa kale oo ay maamo luul sheegtay inuuu wasiir Garaad Haatan marayo heer uu cidkasta oo isku dayda inay xaruntaas wax tarto uu ku yidhaahdo aniga I soo mara, waxana ay tidhi, “Waxan leeyahay Garaad waa awoowe carruurta haka daayo hagardaamada, dhulkii danta guud waa buuxaane halkana tacab baa galay, waxana iska leh caruurtaa yaryar ee diiftu ka muuqato ee u baahan in qorshe wax ku ool ah loo sameeyo ee uu ku hayo hagardaamada joogtada ah, waxana uu gaadhay inuu cidkasta ku yidhaahdo aniga I soo mara. Shaqadii iyo raganimadii Garaad waxa ay noqotay inuu annaga nagu foognaado, khibrad yaridiisiina waxa ay noqotay inuu weerar ku soo qaado caruur daranyeysan oo baahi badan qaba, waxana nalagu hayaa baadhitaanno joogto.”

goobta (1)Ugu dambayntii maamo luul Xasan Mataan waxa ay u soo jeedisay Baaq wax ku ool ah xukuumadda Somaliland, culimaa’udiinka, wax garadka, ganacsatada iyo cidkasta oo inuu damiir leh inay soo faro geliyaan Gardarrada uu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ku hayo xaruntaas lagu Hayo ubadka aan cidna lahayn ee Gidaarrada xabagta ku cabayey.

goobtaSidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah  hawlwadeennada Xarunta , kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Barbaarisada xarunta ee gacanta ku haysa korinta iyo daryeelida ubadkan yaryar, Macalimiinta xarunta ee ardayda wax u dhiga, haweenka cuntada u kariya ubadka, waxaanay dhammaantooda si siman uga hadleen tacadiga uu Wasiirku ku hayo xarunta iyo in ubadku ka nasan waayeen oo ay ka sasaan .

Marwo Luul Xasan Mataan
Marwo Luul Xasan Mataan

 

 

 

 

Wasiir Caruur yaryar looga taag la’ yahay