Daawo Xiisaha Waraysigii u horeeyey ee Muuqaal ah oo Madaxweyne Muuse kaga Jawaabayo Weydiimo aan hore loo su’aalin

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraysigii ugu horreeyey ee Muuqaal ah oo dalka gudihiisa lagula yeehay,  waxa u kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya dhismaha iyo sharciyadda hay’adaha dowliga ah qaarkood,  qorshaha xukuumaddiisa ee wax ka qabashada Adeegyada bulshada iyo qodobbo kale oo xaasaasi ah.

Weriye Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa madaxweynaha xafiiskiisa kula yeeshay Waraysigan oo uu kaga hadlay arrimo xaasaasi ah oo aanu hore uga hadal.

Madaxweynuhu waxa wraysigan kaga jawaabaya su’aalo ay ka mid yihiin;
Ma jirtaa magacaabis ka dhiman xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse?
-Maxay yeelayaan dadka xukuumaddii hore la soo shaqeeyay ee wali xilalka haya? Miyaa la beddelayaa?
-Maxay gaar uga wada hadleen Madaxweyne Muuse iyo hoggaamiyayaasha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya?
-Maxaa keenay in madaxweyne Muuse safarkii ugu horreeyay ugu baxo Jabuuti?
-Sidee ayuu madaxweynuhu ugu talogalay jihaynta dhallinyarada?
-Maxaa keenay in xeerarka qaarkood, sida ka Booliiska iyo Saxaafadda, loo fulin waayay?
-Maxaa qorshe ah xidhiidhka Somaliland iyo Somalia?
-MAXAA UGA MEEL YAALLA MADAXWEYNAHA KALA-XADAYNTA MAAMULKA DAWLADNIMO IYO QOYSKIISA?

Hoos ka daawo muuqaalka Waraysigan oo xiiso badan xambaarsan